Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bankiga Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta Caasimadda

Guddoomiyah Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay wafdi ay hogaaminaysay u-qeybsanaha Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka ee Bangiga Aduunka Mrs Makiko Watanabe.

Kulankan ayaa looga hadlay Qorshaha horumarinta Caasimada, dhismooyinka Wadooyinka, Biyo qabadyada iyo Bulaacadaha iyo sidii loogu wada shaqeyn lahaa horumarinta deegaanada aan rasmiga aheyn, si xal waara loogu helo Barakacayaasha.