Kulan ku saabsan qorshahah Qaran ee cudurka Qaaxada oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa qabatay kulanka looga hadlayay qorshaha Qaran ee ku aadan cudurka qaaxada ee 3-da sano ee soo socoto.

Kulanka waxaa daahfuray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamad Xasan Maxamad Bulaale, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa oo ka hadlay Madaxa barnaamijka qaaxada ee qaranka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax ka kala socotay maamullada xubnaha ka ah Dowlladda federaalka, qaybo ka mid ah bulshada rayidka, hay’adaha ka shaqeeya Caafimaadka oo gacan ka gaystay xakamaynta cudurka qaaxada iyo wakiilka hay’adda World Vision Mr. Kevin Mackey.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la helo hoggaan siyaasadeed oo saamayn leh kaas oo lagu yeelanayo istaraatiijiyadda Qaran ee cudurka qaaxada, taas oo la hirgelin doono saddexda sano ee soo socota.