Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo safaradda sacuudiga kala wareegay Deeq

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMa Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta Safaaradda Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho kala wareegay Deeq Mucaawino ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin ayaa ku xigeenka Safiirka dowladda sacuudiga u fadhiya Muqdisho kala wareegay Shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay in la gaarsiyo Shacabka Soomaaliyed xilli lagu guda jiro maalmihii u danbeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan.

Shixnadaan mucaawinada ah ayaa sida qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee danta yar waxaana shixnadaan iskugu jirtaa qeybaha kala duwan ee raashinka.