Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada dhulka miyiga ah ee dhaca hareeraha deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo maalin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta.

Taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornayl Saney Cabdulle ayaa shacabka deegaankaas ka xog-wareystay xaaladooda, isagoo ka balan-qaaday in ciidanku ay sii xajisa doonaan gacan ku heynta deegaanada laga xoreeyey Khawaarijta.

Taliyaha ayaa shacabka ka dalbaday inay ciidanka la shaqeeyaan ciidanka, isagoo kula dardaarmay inay iska saaraan hadii ay ku jirto cabsi ay ka qabaan inay deegaanka dib ugu soo laabtaan Khawaarijtii laga xoreeyey.