Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo qaabbilay Madaxa Hay’adda IMC Soomaaliya

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Dr; Axmed Cabdi Aaden ayaa maanta Xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay madaxa xafiiska International Medical Corps – IMC ee Soomaaliya Mudane, Roland-Paul Veilleux iyo Global Director of Emergencies Dr Javed.

Madaxa xafiiska IMC ayaa warbixin kooban ka siiyay Guddoomie Axmed qorshe hawleedka hay’adda ee xafiiska Soomaaliaya iyadoo ugu danbeen laysla afgartay in SoDMA iyo IMC ay kawada shaqeeyaan,sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hortabinta leh gaar ahaan arimaha degdeg ah (Emergencies) iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa tababarada iyo Tayeenta la xiriira Arrimaha gurmadka Degdega ah si gaar ah dhanka Gurmadka Degdega oo ay hogaamineeyso Xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka Degdega (NEOC).

Masuuliyintaan ayaa soo kormeeray Xarumaha ay Hay’adda SoDMA ka koobantay oo ay ka mid yihiin Xarunta Howlgalladda Gurmadka Degdegga ah iyo Xarunta Ka digista halis-wadareedka.

Ugu danbayn Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda SoDMA ayaa u mahadceliyay madaxda ka socotay hay’adda IMC booqashada ay ku yimadeen Xarunta SODMA iyo wada shaqaynta ay ballan qaadeen.