Talyaaniga oo gurmad u sameeyay 1,200 oo tahriibayaal ah

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sameeyay labo howlgal oo ay ku soo badbaadiyeen ku dhawaad 1,200 oo tahriibayaal ah oo la socday doomo soo gaaray xeebaha Magaalada Sicily iyo deegaanno kale.

Mid kamid ah doomanka waxaa saarnaa illaa 800 oo qof oo tahriibayaal ah,halka mid kale oo doomanka kalluumeysiga ah , ay la socdeen 400 oo ruux.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay inta lagu guda jiray howsha badbaadinta, waxaana dadkaasi tahriibayaasha ah ay muddo dhowr cisho ah ku sugnaayeen xeevaha Talyaaniga,iyagoo doonaya in dowladda ay qaabisho ama ay soo dhoweyso.

Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa Jimcihii sameeyay howlgal lagu badbaadiyay illaa 2,000 oo qof.

Dadka soogalootiga ah ee tagaya Talyaaniga ayaa aad u kordhay marka la barbar dhigo sannadkii hore, in kasta oo ay dawladda isbahaysiga garabka midig dadaal ugu jirto sidii ay u joojin lahayd socdaalka aan caadiga ahayn.

In ka badan 26,000 oo qof ayaa ku dhintay ama lagu waayay badda Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii, sida laga soo xigtay IOM Ururka Caalamiga ah ee la socodka  Muhaajiriinta.