Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo u ambabaxay Baydhabo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa goordhaw u duulay Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka KGS Kadib markii saakay uu soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS, Axmed Macalin Fiqi,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa qeyb ka ah safarkaan.

Socdaalka Xoghayaha iyo wafdigiisa ayuu ujeedkoodu yahay in ay soo indha indheeyaan xaaladda Bin’aadanimo ee ka jirta deegannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa ah booqashadiisa labaad ee uu ku yimaaddo dalka, isagoo yimid bishii Marso 2017.