TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTII 36-AAD)

“Waxaad i tiraahdaa waxaa jirta qof aan sariirta u baahnayn oo malaa’ig ah!”

“Waa loo wada baahan yahay, laakiin waxaan ku iri waxaa lagu socdaa waqti iyo qorshe, waana taas midda dadku xoolaha uga duwan yahay. Baahidaada degdegga ah oo keliya hadday ku hoggaamiso, ee aad noqotid maalin-la-nool calooshi-la-ciyaar ah, markaas waxaad la mid tahay xoolaha.”

“Haah. Markaad wacdiga ii geli jirtay baa la soo gaaray. Shiikhow waxaan ku waydiiyey, hal masalo iga jaahilbixi, adigaa cilmi Eebbe ku baraye: Nin iyo naag maxaa isu keena, sow in ay isku raaxaystaan ma aha?”

“Xitaa taada haddaan kuu raaco, ee xiriirka ragga iyo dumarka dhanka isku raaxaysiga keliya ka eegno, raaxadu kuma koobna sariirta dusheeda. Siyaalo badan oo kala gaddisan baa lagu gaaraa.

Waxay ku xiran tahay marba labada qof xiriirkoodu inta uu qota le’eg yahay iyo dareenka isku xirayaa nooca uu yahay. Waxaa laga yaabaa gabadhii galabta i ag fadhiday, raaxada aan ag fadhigeedaas iyo la sheekaysigeeda ka helaayo in aadan ka helin intii

gabdhood ee aad waligaa sariir ku midowdeen oo la isku wada daray.”

“Micnaha waxaad leedahay gabadhaa, waan jeclahay, adiguse weligaa wax ma jeclaan, sow ma aha?”

“Adigu in aad weligaa wax jeclaatay iyo in kale adigaa iiga xog ogaalsan, laakiinse anigu qoftaas waan jeclahay.”

Intuu qoslay buu kajankiisii sii watay, ee yiri, “Oo shiikhow kitaabku ma wuxuu dhigayaa gabadha aad jeceshahay sariirta waa laga dheereeyaa?”

Intuu aad u sii qoslay, baabuurkiina joojiyey, buu yiri, isagoo Axmed garabka ka dharbaaxaya, “Waah, waah, waxaasaa jaceyl ah! Eeysh calaa cashqaan! Illayn ninku waa nin cishqi dilooday, wax dabiibtana waayey! Hoheey jacaylow, kii Qays jicsintow, Cilmina waran ku jiidow, maxaad yarka nooga jiirtay!”

“Ma rumaysnid miyaa in Qays iyo Cilmi jacayl u dhinteen?” Axmed oo aan saaxiibki qosolkiisii badnaa kala qayb gelin, jacaylka uu ku jeesjeesayana aad uga xun baa su’aashaas waydiiyey.

“Taas waxaan rumaysanayaa marka aan rumaysto in adduunku yahay ukun dibi geeskii saaran, dibigana mukulaali sanka uga jirto, marka mukulaashu nuux-nuuxsatana dibigu madaxa gilgili doono, duniduna halkaas ku burburin doonto!”

“Kula yaabi maayo, qudhaydu jacaylka intii aan dabayshiisu i soo gaarin, ee aan sidaada maalin-la- noolka ahaa waxaan u haystay wax afka uun laga sheego sida khuraafaadkii aad hadda sheegaysay.”

“Waryaa ma anigaan jacayl i soo marin! Eey! Raalli ahow duqa! Aniga jacayl iguma gaari kartid. Habeen aanan gabar jaclaan ma jiro. Tii aan la qayilayo, shardi waa in aan caashaqaa. Miyaadan maqlayn habeenkii aan gurigaaga ku qayilayey wixii jacayl iga baxayey? Xaggee baad jirtay markii aan gabadhii ila qayilaysey ku lahaa, ‘Xabiibi macaaneey, xayaatadii naftaydaay, xubbigaagaan la taahayaaye, xabadka i soo saar, xanuunka aan ka raystee!’ Markay ii soo gurmataye aannu cabbaar isla gabaara gaddoonayna, xisaabtii jacaylka halkaasay noogu xirantay. Habeen kasta sidaasaan tii markaas ila joogta xabiibi iyo xayaati isugu jiibinnaa, ee jacaylka u darandoorinnaa.”