dalkeena waxaa si joogto ah uga dhaca is badallo dhanka maamulka ah oo 4-tii sanoba mar ah, kol kolna soo deg dega oo si lama filaan ah u yimaada, kuwaa soo saameeya dhammaan madaxda qeybaha kala duwan ee waaxyaha dowladda sida madaxweynaha, xil-dhibaanada, golaha wasiirada, danjireyaasha, gudoomiyaasha gobolada iyo degmooyinka, taliyaasha ciidamada, iyo agaasimeyaasha.
Is waydaarinta xilalka qeyb ahaan waxaa loo maraa hanaan magacaabis ah oo ay madaxda sare ee dalku awood buuxda u leeyihiin, qaar kale oo fara ku tiris ihina waxay ku yimaadiin hab-doorasho hufnaanteeda iyo daah-furnaanteedu aanay dhaliil ka marnayn oo ay cod-bixiyaasheedu aad u kooban yihiin, loolan adagina aanu ku jirin oo qofka ku soo bixi doona la sii saadaalin karo.
Xilliyada kala guurka loo yaqaan oo ah kolka ay qolo ammin-hugaamineedkoodu gabangabo tahay, koox kalena ay hanashada caynaanka xusul-duub ugu jiraan ayay dad badani ka mid noqashada goleyaasha maamul u tafa-xaytaan oo dadaal tab iyo xeelad walba ku gaashaaman ku bixiyaan.
In kastoo aanay yoolalku boqolkiiba boqol si ay doonayaan ugu wada hir-gelin, haddana qaar baa guulaysta oo waaxyo danta guud iyo adeegga dadweynaha laf-dhabar u ah loo magacaabaa, xaafiisyo diyaarsan iyo howl-wadeenno darbanna hormuud looga dhigaa.
Dadku isku baxaalli iyo garasho ma ehee qaar baa meelaha loo dhiibo wax ku soo kordhiya oo durbadiiba billaaba dardar-gelin, hal-abuurid, hagaajin, kormeer joogto ah iyo warqab maalinle ah oo ay ugu kuur galayaan qof kasta oo xarumaha ayaga hoos taga ka tirsan bed-qabkiisa, waxa uu qabto, qalabka uu ku shaqeeyo, iyo guud ahaan qaab ay howlaha waaxdu u socdaan.
Sidoo kale waxay xooga saaraan dayac-tirka dhismayaasha, agabka, iyo xaq-siinta hawl-wadeenada jaad walba leh ee foog iyo fiidba u taagan sidii ay dalkooda iyo dadkooda ugu adeegi lahaayeen, una babac dhigay halista baaxadda leh ee kaga imaanaysa kooxaha taabidda danta gaar ah u tafa-xaydan.
Kuwaasi waa dar ay ku dhaqanka dawga toosan ee diinta iyo damiirku hageene, waxaa ayaguna jira qaar aan waxa loo igmaday iyo culayska xilkaba ka daman oo keliya diiradda saara sidii ay intay meesha joogaan nolol uga abuurtaan oo ay dhaqaalaha iyo dhuunigu bartilmaameedka koobaad u yihiin, danta guud iyo hormarinta laanta maamul ee uu ku magaacan yahayna aan dooc iyo dareen toona u lahayn.
Kaa soo kale waxaa xilligu ka dhammaadaa asagoo aan wax-qabad muuqda, magac iyo muunad madaxtinimo toona kororsan, habaar iyo halgaado dhaceelo iyo guul-darrooyin ku galaysanina ay dul hoganayaan oo aan haba yaraatee bulshada ammaan ku dhex lahayn, gabood-falyo iyo eedo ciida iyo camaarka ka badanna laga tirsanayo.
Intaa waxaa u dheer wacdaro iyo hoog howkar badan leh oo dharaarta qiyaame sugaya, iyo weydiimo aanu sinaba kaga baxsan doonin oo ammaanadii uu dhowri waayay iyo xatooyadii uu ku kacay ku qotoma oo aayan-darro iyo aayo-xumo u horseedi doona sida qur’aanka iyo axadiista suubanaha “NNK” ku cad.
Haddaba waxaa la gudboon qof kastoo xil haya ama loo igmaday ku howlan inuu danta guud wax walba ka hor-mariyo, oo uu ka fogaado gabood-fallada, eexda, xatooyada, iyo dayacaadda howsha uu u xilsaaran yahay oo uu sii ambaqaado adeegyada socda iyo hal-abuurka wax cusub xoogga saaro.
WQ: Abwaan Hareeri