Khawaariijta oo dhan ayaa dagaalkoodu yahay gaadmo iyo ku dhufo oo ka dhaqaaq, ma ahan kuwo ku fiican dagaalka muwaajahada ah ama fool ka foolka ah.
Waa dad dhagar badan oo isku dhex qariya bulshada dhexdeeda isla markaana og Meesha aad ka jilcan tahay waayo xuuraankooda ayaa ku dhex jira dadka ay doonayaan inay weeraraan, haddaad aragto meel ay khawaariijtu ku soo nonoqotayna waa xaqiiqo in goobtaasi u u ku sugan yahay qof iyaga la shaqeeya oo u soo dusiya xogta ka jirta meeshaas.
Marka ciidankeennu waa inay mar waliba ka foojignaadaan dhagarta iyo diban daabyada kooxda khawaariijta ay la damacsan yihiin.
Ciidammada markaad fiiriso kuma dhaqmaan shuruucda milliteriga waayo milliteriga markuu meel dego xilliguna waya waqti dagaal waxaa loo baahan yahay in lagu dhaqmo sharciyadda xilliga dagaalka iyadoo la muujinayo feejignaan dheeri ah ciidanka markuu meel dego waa inuu ogyahay waxa dhici kara iyo gaadmo kasta oo ku iman karta, waa in la sameeyaa dhowr wax yaalood oo muhiim ah sida:
1-In ciidankeenu joogteeyo sahanka iyo xuuraanta laga heli karo cadowga
2-In la xoojiyo waardiyaha iyadoo saacado leysku beddelayo, si mar walba uu waardiyuhu u noqdo mid firfircoon, waaridyaha ka degaya shaqada waa inuu kaambo boostaha ku wareejiyaa hadduu wax arkay haduu wax dareemayba shakina jiro.
3-In sahanka uu joogto ahaado si ay usoo ogaadaan inta uu cadowgu u jiro iyo xaaladda uu ku sugan yahay cadowgu.
4-In Ciidankaasi yahay mid isku filan tiro iyo tayaba hubkoodana u dhan yahay
5-Darawalka gaariga tiknikada ah ama beebaha waa in lagula xisaabtamaa darawalka si uusan cadowgu u qaadan darawalka ku qoran gaarigaasi waa inuu ahaadaa mid foojigan isla markaana diyaar u yahay goor walba ama saacad walba dagaal.
Darawalka waa in uu ogaadaa xaaladda gaarigiisa ku sugan yahay haddey cillad jirtana sida ugu dhaqsiyaha badan waa in loo hagaajiyaa, waa in gaarigiisa uu san cadow ka qaadan waxaana fiicanba darawalku in uu ku dhex jiro gaarigiisa had iyo jeer.
Taliye kasta oo mas’uul ah waa in lala xisaabtamo ka soo billow kaabo unug, kaabo koox, kobo horin ilaa iyo taliye urur ilaa iyo midka ugu sarreeya ee ciidanka guud ahaan wata ee ka mas’uulka ah, sideey ku dhacday sow lama joogo goob dagaal xilliguna sow maahan xilli dagaal sidee loo dhagri karaa taliye dhan oo lagu aaminay masiirka ciidanka xilli dagaal.
Waa in lala xisaabtamaa xisaabtan adag oo aad u daran qof allaaliyo qofkii dayaca mas’uuliyaddiisa ciidannimo kii bixiyana sirta ciidanka waa in lala tiigsadaa sharciga milliteriga waana qaacin waddan.
khawaariijtu iskama weeraraan meel aysan xog buuxda ka helin, haddaba kan bixinaya sirta ciidana waa in laga dhex goobaa ciidanka ama duleedka Meesha ciidanku degay intaas unbaa bixin karta oo sheegi karta waxa Meesha ama xerada ka socda.
Taasi ciidankeennu waa in uu ka foojignaado khayaanada iyo dhagarta dheelmadka ah ee soo noqnoqtay waxay soomaalidu tiraahdaa Mar I dage Allaha dago Mar labaad I dage Anays dagay, laakiin aniga waxaan u arkaa inay tahay duqonnimo aad u weyn in meeshii shalay lagaa qaniinay in maanta iyo mar walba lagaa qaniino ama waxay noqon kartaa in Meesha ay ku jiraan kuwa fashilinaya xogtana bixinaya oo argagixisada la shaqeeya oo la qaraabta .
Hadal iyo dhammaantiisa maahan sidii xayaawaan in mar walba aad tiraahdo waa ley gaaday war intii adiga lagu gaadayo maxaad qabaneysay ileen meeshu waa meel furin ahee ma waxaa jira waxaan dagaal ahayn oo aad Meesha u timid, war iska daaya sida aad ku socotaan bulshada ayaa idinla yaaban waxayna idin leeyihiin halaga daayo askarta qaadka u keenaya inay dhafraan.
Askariga waa inuu xaadir ku yahay xerada ama goobta dagaalka, istambeydana lagu adkeeyaa markaasi haddey taagan tahay xaalad dagaal askarigu waa in uusan is dhigan tuutahana iska siibin waa inay jirto foojignaan dheeraad ah intaas ka dib waad ku guuleeysan kartaan in aad dhinaca dhulka u dhigtaan khawaariijta gaadmo ku noolka ah.
Dalka Edatorial