Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho saddex maalmood qadaneysa uga bilaabatay dalka Shiinaha, sida lagu sheegay war ka soo baxay qasriga Elysee.
Booqashada Macron ee Shiinaha, ayaa noqoneysa safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tago dalka Shiinaha tan iyo sannadkii 2017-kii.
Sida la sheegay maanta gelinka dambe, ayuu Madaxweyne Macron la kulmi doona Jaaliyadda Faransiiska ee Shiinaha ka hor inta uusan wada hadal la yeelan Khamiista beri ah dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping.
Madaxweyne Emmanuel Macron, ayaa sida qorshuhu yahay Jimcaha booqan doona degaano ka mid ah koonfurta dalkaasi Shiinaha.