Xiddigaha Geeska
Suugaanta casriga ee soomaalida waxaa moosh ka ah qasiidooyin ay hal-abuurayaashu ugu talo galeen inay dadweynaha ku dhiiri-geliyaan soonka iyo ku dadaalidda waxyaabaha wanaagsan ee abdaha gaarka leh inta bishan lagu jiro.
Qasiidooyinkaa oo aynaan qormadan ku soo wada koobi karin waxaa kamida: erayadan”
Waa bishaan sugaynee
Illaahay na siiyee
Soomaa ramadaanka” oo ay qaaday Hibo nuura, waxayna tilmaamayaan inuu soonku yahay kansho iyo liibaan la sugayay oo illaahay cawo iyo ayaan inoo siiyay, inaanu ka faa’iidaysanaahina ay lama-huraan tahay.
Jeer kale waxaa la hadlayaa ramadaanka qudhiisa oo la leeyahay soo dhowaw bal ila dhadhanso oo ila dhuux tuducan dhaabadda leh oo ay dhawr hoobal si wadajir ah isugu jiibinayaan ”
Marxab yaa ramadaan
Marxab marxab yaa ramadaan.
bishuu mageceedu
Bilaha u mudnaa
Macbuud ku amaanay
Miyaa ramamaan?”
Bal ayana eeg qasiidadan caanka ah ee laga yaabo inaad in badan maqashay balse aanad nuxurkeeda si xeel-dheer u shiiqsan:
“Qur’aankiyo xadiiskiyo
Xuduudkii illaahay
Xabiibkii udgoonaa
Xadiiskiisa raacoo
Xanaaneeya diintoo
Xoogeeya soonkoo
Bisha soon xurmeeyoo
Nafta xakameeyoo
Aakhiro xasuus”
Inta bishan lagu jiro waxaa la xidhaa jafaliilaha”sheydaanka” oo balaayadu oodantahay, barakaduna waa durdur, hal-abuurkii meerisyadan falkiyayna arrintaa kama il-duufine bal sida uu u tibaaxay ila arag:
” ramadaan bilataye bil kheyr
Balaayadii way af-xirantahaye bil kheyr
Waajibkii rabbi uu na barayee
Bishaarana nabigu yiriye
Barwaaqadii mu’miniintay bil kheyr
Addoonka sodonkeeda beri
Intuu ballan-qaaday sooma
Illaah boqorkaa abaalmarin
Ramadaan bilataye bil kheyr
Bur baa lagu xiray ibliiskee bil kheyr
Deeqduu rabbigeenu bixiyee
Rasuulkana bara ka yiriyaa
Muslinku beeraqaye bilkheyr”.
Qasiidan halmuceedka leh ee ay qaado hoobalada Khadiijo foodey ayaa iyana ku qotonta dulucdii xadiiska ee ahayd kolkuu soonku dhasho waxaa la yiraahdaa”ciddii shar waday gaabso, ciddii kheyr waddaay soo dhowaw” bal haddaa aan wada dhuuxno:
“Balo riixaay sharta raaraay ramadaanay
Rugtii uu kherku lahaayay ramadaanay
Rasuulkeenii muxamed rabbi tuu soo faray
Annana aan ku raacnaay ramadaanay”.
Hoobaladdii weyneyd ee Faadumo Qaasim Hilowle (AUN) ayaa iyana jeer qaaday mirahan ashqaarka leh”
waa bishee wacneydee
Waanada rasuulku
Wanaag ay ku sheegtay
Werwerkaa aduunka
Lagu waari maayee
Wacdiga adkeeyaa”
Allaha u naxariistee halyeeyadii seynab Cali Baxsan ayaa jeer ku luuqaysay qasiidadan macaan ee soo socata:
“Ramadaanka nin soomay
Soddonkeeda dhammeeyay
Sakadeedana dhiibay
Sifihii lagu sheegay
Janno way u sugnaatay”
Guud ahaan suugaantaasi waa guubaabo dadka ku tirtirsiinaysa inay Lama-dhaafaanka uu Illaahay faray si wacan u gutaan, sidoo kale waa madadaalo loogu talo-galay in amminta dheer ee dharaara ramadaanka laysku ilowsiiyo, xiiso iyo firfircoonina laga helo.
WQ: Abwaan Hareeri