Ka hor intii aaney qarxin dagaaladii sokeeye sanadkii 1991 , waxaa jiray ilaa 53 wershadood oo isugu jiara kuwa heerka dhexe , kuwo yar yar iyo kuwo waa weyn .
waxaa wershadahaa ay ku baaba’een dagaaladii sokeeye. Si kasta oo ay tahayna , iyadoo ay sal u tahay maalgelin waxtar leh oo gudaha ah oo ay sameeyeen qurba joogga Soomaalida , ayaa in badan oo wershadihii yaryaraa dib loo furay iyadoo kuwo cusubna la sameeyey.
Wershadahan waxaa ku jira kuwa qasacadeeya kalluunka iyo wershadaha hilibka habeeya oo ku yaalla woqooyiga dalka , sidoo kale in ka badan 25 wershadood oo ku yaalla Muqdisho kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa farsameeya baastada, biyaha sifeysan, wershadaha balaastikada, kuwa hargaha iyo saamaha, dharka, macmacaanka , oomada , aluumiiniyamka iyo kuwa jaajuurka.
Sanadkii 2001 maalgelinta wershadaha fudud ayaa ku faaftay magaalada Boosaaso, Hrgeysa iyo Muqdisho , taas oo caddeyneysa kororka kalsoonida ganacsiga ee dhaqaalaha dalka . Dhammaadkii 2004 8.3 milyan oo Doollar wershadii lagu maalgeliyey ee Kooka koolada ayaa laga furay magaalada Muqdisho taas oo soo jiidatay dad badan oo Soomaaliyeed . Sidoo aan hore u soo sheegnay inta badan wershadihii Soomaaliya waxay ku baaba’een dagaaladii sokeeyey ee 1991 laakiin Soomaaliya waxay lahaan jirtay wershadihii dharka, lamayeeriga , sigaarka , daqiiqda ama burka , hilibka . sokorta iyo Shamiintada.
Marka loo eego maalgelinta qurba joogga , kaalmada maalgeliyeyaasha caalamiga ah , Soomaaliya waxay awood u leedahay in ay dib u dhisto wershadaheedii , maalgelinta wershadaha waxay ku xiran tahay ammaanka iyo sida maalgeliyeyaasha gudaha iyo dibedda ay ugu helaan amaan maalgelintooda.
Haatan dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in ay dib u soo celiso nabaddii iyo ammaankii dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha loona soo jiito maalgeliyeyaal dibedda iyo gudaha ah.
Qeybaha uu saameyey burburkii dalka ka dhacay waxaa ka mid ah wershadihii dalku lahaa oo burburay, la bililiqeystay ama hoy laga dhigtay.. waxaa jiray wershado dalku lahaa oo wax soo saarkoodu ku filnaa dalka laguna wershadeyn jiray waxyaabaha laga soo saaro beeraha iyo xoo;aha dalka…
Sanadahan dambe waxaa dalka ka hirgalay wershado yar yar oo intooda badan ay hirgeliyeen dadka qurbajoogga ah ,,taas oo rajo galisay wershadihii dalka….Maxaa hortaagan in dalku dib u dhisto wershadihii uu lahaa ,,,,iyadoo su’aashu tahay : Soomaaliya dib u dhis ma ku sameyn kartaa wershadaheediii burburay ?
Xilligan aan ku jirno arrintan waxay u muuqataa mid rajo wanaagsan leh haddii maalqabeeenka iyo ganacsatada soomaaliyeed iska kaashadaan in ay sameeyaan wershado waaweyn oo la mid ah kuwii dalku hore u lahaa oo kaalinta ku lahaa nolosha dadka una ahaa shaqo abuur sida wershado dhowr ah oo ay ku jiraan wershadihii kalluunka , kuwii sokorta , galleyda, baastada iyo kuwii hilibka ee kisamaayo ka dhisnaa .
Marka laga hadlayo dib u soo celinta wershadahan waxaa lala kaashan karaa dalal dhowr ah oo xilligan soomaalida taageera ilaa haatanna gacan ka siiyey arrimo badan oo waxtar u leh dalka sida Turkiga iyo kuwo kale.
W/Q: Mohamed Shiil