Amminta aradka lagu noolaanayaa waa dharaaro kooban, inta xabaasha lagu jirayaahi waa ammin dheer oo kumanaan gu’ gaadha inkastoo ay imminka joogidda ifku gabangabo ku dhawdahay, waa Aakhirona waa ma dhammaato oo lagama geeriyoodo, lagama gaboobo.
Jiritaanka nooluhu waa 4 heer oo kala ah uurka hooyada, aduunka, dalluunta ama barsaqa, iyo janno iyo naar midduu qofka ayaankiisu ku duwo oo ah halka ugu dambeysa oo lagu waari doono.
4-taa hal midoo kamid ah ayaa kanshe Laynoo siiyay inaanu shaqaysanno oo lama dhaafaanka Eebbe ina faray gudanno,samo-falka iyo tabacu waa inoo ekoonyahay, waana ifka oo intaanu joogno oo aanu wanaag iyo xumaanba dhitaysan karo.
Haddaba waxaa habboon inaanu maalmahan yaroo aanu joogno dunida ka sahay qaadanno oo aanu wax kastoo Raalli-gelinaya ku dadaalno, gefafka iyo falalka gurracanoo hadhowto beegga xumaanta inagu kordhin doonana ka feejignaano.
Foog walboo aanu soo toosno waxaa feecan inaanu go’aan ku gaadhno inaanu dharaartaas oo dhan wax togan oo wax inoo taraya isku howlno, tillaabooyinka aayo-xumada horseedana ka dhowrsanno oo goortaa gudbaysa aanu samaan ku sagootinno, falkasoo sirgicanna ka sariigganno.
Waxyaabaha halista ah oo aanu sida maalin lahaa u samayno waxaa kamida: xanta, beenta, qiyaanada, isku dirka, qooraansiga dadka aan eegisdoodu banaanayn lab iyo dhedig kay rabaanba ha ahaadeene, caay iyo nabidda, salaada oo xilligooda la dhaafiyo, waxyaaba aanu cunayno oo aynaan xalaal ahaantooda u meel dayin, faafinta sirta qof inagu kalsoon, iwm.
Intaasoo dhami waa gefaf haddii aynu ka hakoon wayno nolosheenna iyo anshexeenaba burburin doona oo meel xun gaadhsiin doona, Aakhirona culeyska falalka taban inagu badan doona oo dhibaato baaxad leh inagu noqan doona.
Waa tii laga mahmaahayoo wixii tagey tiigsi malaha, balse aanu timaada hagaagsanno oo hab-dhaqankeena tifaf-tirno, falalkeena wixii wanaagsan ku jaan-goyno, wixii iska ku tiri ku teen ah oo aan dheef lahaynna iska dayno.
WQ: Abwaan Hareeri