SOOMAALAAY: DAB XAL MA’AHEE DAMIIRKU HA SHAQEEYO

Sida runta ah, Dal dhisan dudumintiisa way sahalan tahay, laakiin dhisiddiisu way adag tahay, xagga ka duul xagga u duul horey noo soo daashadeen maxaa kaloo naloo hayaa.

Dagaal hadduu faa’iido iyo qasaare mid un leeyahay ninkii soo joogay baa ok , sooyaalka taariikheed ee dalka dib u raaca, waalida iyo weyraxa badan maahan wax wanaagsan wax waliba waxay ku habboon yihiin in lagu fadhiisiyo cilmi iyo aqoon iyadoo si weyn looga baaraan degay.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho way heystaan waayo aragnimo ku filan xagga dagaallada oo way ogyihiin Meesha haatan loo jiidayo, hoogga iyo ba’ waxaan ahayn in aan laga soo dheefeynin.

Dadka qaarkiis miyaaney fikireynin 1991 iyo wixii qasaaro dhacay ee dad iyo duunyo ku hoobteen ama ku le’deen wixii dhacay burbur, baaba’ ka dibna aan waxba leyska weydiinin ayaa hortaba sabab u ah in maanta mar kale loo hanqal taago burburinta Caasimadda iyo shacabka ku dhex nool, taaina wax suuragal ah maahan, qajajac iyo fowdo iyo anaa kaa fuq weyn wax tarimeyso runta ayaa wax lagu dhistaa waxna lagu qabsadaa ee dalka sidaas haloo dhaamo.

Weligeedba soomaaliya way ka soo jireen mid wax dhisaya iyo mid wax duminay, mid aruurinaya mid firdhinaya, laakiin waxaa dalka joogay odayaal dalka iyo diinta daacad u ah, gartana ku gooya geedka hoostiisa dhigana gar waliba meeshii ay lahayd, maahan waxa hadda jooga oo kale, waxay ahaayeen kuwa qaata mas’uuliyad hoggaamineed oo dhab ah, waana kuwii gumeysiga meel adag ka istaagay markay taladu iyaga joogtay intii aysan dhuuni raacyada ku soo badan dalka

Reer Muqdisho maanta wax kale uma baahna aan ka ahayn walaaltinimo tiigsi horumar, tacab iyo tacliin uma baahna in la xasuusiyo ama dib loo jalleeco wixii la soo maray iyo 1991.

Siyaasiga marka uu shacabka dan ka leeyahay waxaa la arki jiray in uu wax badan u qabto sida la qeybsashada dhibaatooyinka, ceelal qodis, gargaar u fidin, dhismooyin jidad iwm, laakiin hadda waxaa soo baxay siyaasi markuu shacabka wax ka rabo in uu si xun wax u tuso shacabka ka dibna ku adeegto qaab qabyaaladeysan si uu u gaaro mansab uu isaga doonayo.

Mansabka, Darajada iyo Maalka Allaah Swt ayaa bixiya qokii uu doono ayuu siiya, hab dhaqanka socdaana maahan wax wanaagsan.

Shacabka Soomaaliyeed, way yaaban yihiin waxaa leys weydiinayaa maxaa dhacay? Maxaa soo kordhay? Maxaa is beddelay? Shacabku waxay dhex dabaalanayeen mowjadaha nabadda waxayna heysteen waxa loo yaqaanno miinimo ama jawi deggan.

Haatan waxaa ku soo kordhay wal wal iyo walaac, hurdo la’aan, waxa yeeraya oo ay maqlayaan dhawaaqyo dhiillo wata iyo anaa reer fulaan fulaan ah.

Waaya joogga iyo waaya araggu waxay durbadiiba addoroseen waxa ka dhallan kara faaq faaqda socota iyo wararka aan loo meel dayeynin, waxay saadaaliyeen sida ay wax u dhici karaan haddii laga dhabeeyo waxa yeeraya.

Dhammaan Shacabka iyo wax garadka Soomaaliyeed, Waxay arkaan oo hortooda ka muuqanaya falalkii foosha xumaa ee mooriyaanta sameyn jireen marka ay maqlaan dhawaaqyada noocan ah, si lamid ah is dilkii, qax iyo barakac, burbur iyo baryo aadane, abaar, xoolaha oo dhammaata, gaajo, cudur, biyo la’aan salkooda dambana uu yahay dadkoo qalfoof isu beddela, dhimasho, diif iyo macluul daba dheeraata.

waxaan soo xasuustaa heestii ahayd Dayaay Afrikaay dayaay. Dayaay Afrikaay maatida dayacan, Dayaay qaxootiga dayacan, wada daya soomaaliya dayacan dayaa.

qofka doonaya in loo noqdo 1991 marka ugu horreysa soo fiiri youtubyada wixii horay usoo dhacay ka dibna hadduu fiican yahay dagaal sukeeye uuraaco hadduusan fiicneynna ka haro, laakiin go’aan laguma degdego iyadoo aanad ogeyn waxa ku qabsan kara.

waxaa kula talin marka ugu horreysa inuu arko ama galo youtubyada isagaa arki doonee dagaal sukeeye wuxuu yahay iyo wuxuu macaan iyo qaraar leeyahay, si gaar ah ruuxa doonay inuu qanco waa inuu fiirsadaa documenterica laga soo duubay dagaalladii xamar ka socday guud ahaantood waxay qasaaro ah ee dhacay wax la sheegi karo maahan wuxuu dalkaan soo maray .

haddaba, erayada xanafta leh ee dhegaha shacabka soo gaaraya maahan wax wanaagsan, Muqdisho ma muteysan inay ahaato qarax u joog, dadkan way daalan yihiin, marka siyaasiyoow waxan aad la ordeyso oo aad u hanjabeyso waa hooygaaga oo keliya meel kale ha ka fiirin, waayo Muqdisho waa halka aad u nasab sheeganeyso iyadaana lagaa celcelinayaa oo walaalow hadumin lagu leeyahay, xanuunka xamar soo gaara waa hubaal inay ku saameyn doonaan, wayna habboon tahay in laga fiirsado.

Dagaal la buunbuuniyaa wax dan ah uguma jirto reer muqdisho, waxaana leenahay ruuxii wax tabar iyo xoog u hayo dagaal muqdisho dib loogu dumiyo adeer maad kinyaatiga baddeena dhacaya nooga dhicisid ama kuwa dilka iyo qaraxyada nala daba jooga ku wajahdid.

War ragow sidan dan u ma’aha Muqdisho ee damiirka ha shaqeeyo, dal iyo dad dhisan  Ayaan suug ku garaacayaa si aan u gaaro mansab Alley lahee waa wax ka fiirsasho mudan.

W/Q: Osman Dhiblaawe