Dood cilmiyeed ku saabsan maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka oo lagu qabtay Muqdisho

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudnae, Cali Muumin Muuddey ayaa furay madal dood cilmiyeed ah, taas oo looga hadlayay caqabadaha ka jira maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Rayidka.

Ujeedka dood cilmiyeedkan ayaa ah in laga soo saaro warbixin ku salaysan cilmibaaris iyo tallooyin si loo xalliyo caqabadaha ka jira shaqaalaha rayidka.

Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb galay lataliyaal, xubno ka socday qaar ka mid ah hay’adaha dowladda kuwaas oo muddo ku soo jiray arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha xog-ogaalna u ah marxaladihii uu soo maray dalka.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waxa ka go’an in xalka caqabadaha lagu xalliyo qaab cilmiyeeysan oo ah natiijooyinka ka soo baxa cilmibaarisyada noocaan oo kale ah.