Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Hay’adda UNHCR

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR Soomaaliya Mudane Magatte Guisse.

Kulanka, ayaa looga hadlay arimaha Qaxootiga Soomaliya ee dibadda ku nool sidii looga caawin lahaa in dalkooda kuso laabtaan iyo Barakacyaasha jooga dalka gudahiisa sidii deegaan iyo shaqo abuur loogu sameyn lahaa.

Soomaaliya waxaa ku kala baahsan kummanaan Barakacayaal ah oo ay soo bara kiciyeen Abaarihii ku dhuftay guud ahaan dalka iyo sidoo kale dhibatadii khawaarijta,Waxaa rajo weyn laga qabaa inay dib ugu laabtaan goobahii ay ku noolayeen, Madaama qeyba ka mid ah Soomaaliya ka curteen roobabka.