Aljeeriya oo burburisay shabakad qaabilsaneyd tahriibinta dadka

Warbaahinta Aljeeriya ayaa sheegtay in la uu burburiyay shabakad ku lug lahayd tahriibinta dadka muhaajiriinta ah ee doonya in ay safar dhinaca badda ah ku gaaraan dalalka Yurub.

15 ruux ayaa lagu soo waramayaa in la xiray ,kuwaas oo isugu jiray sagaal Suuriyaan ah iyo lix u dhashay Algeria,waxaana lagu eedeeyay in tahriibayaasha ay ka soo daabulaan dalalka Suuriya iyo Lubnaan, iyagoo sii mariya Liibiya.

Baaritaan socday muddo shan bilood ah oo ay saeeyeen ciidamada Aljeeriya ayaa lagu lagu ogaaday in shabakadaha wax tahriibiya ay adeegsadaan waddooyinka saxaraha ah ee gala dekedda Oran ee Dalka Aljeeriya, halkaasi oo kuwa socotada ah ama tahriibka loogu diyaariyo dooman ay ku  maraan biyaha badda qarsoodiga ah ee tagta Yurub.