Sare-u-kaca Maciishada Suuqyada Ee xiliyada Ramadaan

Bilshaada Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa laga dareema Sare u kac sicirka  suuqyada magaalooyinka dalka dhanka  maceyshada ah,Inta badan Suuqyada Soomaaliya waxaa laga dareemaa dhaqdhaqaaq xooggan markii lagaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,Waxaa isbadalka weyn ku yimaada Alaabaha bagaashka ah ee kala duwan sida,Maacuunta, Raashinka, Qudaarta,Agabka lagu qurxiyo guryaha,Dharka iyo Macmacaanka.

Bisha Ramadaan awgeed  suuqyada ganacsiga  ee magaalda Muqdisho waxa dadku  ay aad u iibsadaan alaabta,sida Raashinka,Qudaarta,Maacuunka,Agabka lagu qurxiyo guryaha,Dharka iyo dhamaan Agabyadda loogu diyaar garowbayo soo dhawaynta bilaashada bisha Ramadaan oo ka duwaan bilaha kale.

waxaa suuqyada magaaladda Muqdisho lagu kala Iibsanaya maciiyshada qutuldaruurig ah saaka sida Sokorta,Burka,Bariiska,Saliida,Caano Booraha,iyo Timitra oo ah wax yaabaha loogu isticmaalka badan yahay sida caadiga ah xiliga Ramadaanka, waxaana la kala siisanayay saaka ,Sokorta loorka 910-Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigantah 35-Doller,Buurka loorkii ayaa maraya 728-Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigan tah 28-doller, Loorka Bariiska ah ayaa qaymo ahaan jooga suuqa  1,300 oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhigantah 50- doller,20-Liitar qaarka Saliid ah ayaa ka maray suuqa saaka 702 Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigan tah 27-Doller,caanah loo yaqaan boorah ayaa la siinaya halka gasac,520 Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigan taha 20-Doller iyo Timirta halkaa Kartoon ayaa lakala Iibsanaya saaka 234 oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhigantaha 9- Doller,guud ahaan suuqyada lagu Iibayo macayshada ayaa laga dareemaya sare u kac dhanka sicirka bilashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.