Xukuumadda Dan-Qaran oo fulineyso aragtida Madaxweynah jamhuumriyadda federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku qotonta in xasilooni iyo nabada waarta lagu soo dabaalo dalka ayaa dajiysay qorshaha Qaran oo dalka looga sifeeynayo kooxaha khawaarijta,si qorshahaasi looga mira dhaliyana waxa ay xukuumadda Dan-Qaran qaaday dagaal seddex gesood ah sida Ciidanka,Dhaqaalaha,iyo fikirka.
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayo kuwa degaanka iyo saxiibada Caalamka waxaa halgan xooggan kadib ay gacanta ku dhigeen dhul baaxad weyn oo ay khawaarijtu mudda ku dhibateen jirta dadka shacabka ah.
“Dagaalbaad ku jirtaan,wa in aan la joojin annagana kan xukuumad ahaan garabkiina ayaanu nahnay,wuuna soconayaa dalkana wan ka xoreyneyna khawaarijta”sidaa waxa yiri Ray”iisul wasaare Xamse
Waxa la xoreeyay in kabadan 70-gobood oo isugu jira degaanno,katirsan gobolada Hiraan,shabeellaha Dhexe Sh/Hoose Galgaduud iyo Mudug iyo jubbad Hoose,sida degaanada Aadan Yabaal, Xarardheer,Ceeldheer,Ruun-Nirguud iyo degàannno kale oo istaratiij ah,waxaana la isku furay wadooyinka u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan Buulabarde iyo Maxaas,waxana laga hortagay dhaq dhaqaaqa cadawga iyo gurmadka oo laga jaray goobihii muhiimka u ahaa ee ay isaga kala gooshi jireen sida Buundada Xawaadley.sidoo kale degaannada Masagawaa,Moqokori,Galcad Qayib,Masaajid Cali guduud iyo Janaay Cabdalle oo marina muhiim ah u ahaa Cadawga ayaa gacanta lagu dhigay,taasi oo dhabar jab aan laga soo waaqsan ku noqotay khawaarijta,waxana lagu laayay halkaa horjoogayaal badan iyo Maleeshiyaadkooda uu kamid ahaa Cabduqadir (Nadiir) oo katirsanaa Aas-asayashii kooxda Al-Shabaab.
Xukuumadda oo ka duleeyso baaxada dhulka u baahan in la xoreeyo ayaa diyaarisay ciidan leh tiro iyo taya ku filan si ay u gutaan waajibaadka la faray,kuwaa oo lagu soo carbiyay dalka iyo dibadda,waxaa la dar-dargaliyay qorista iyo isku dhafka ciidan cusub iyada oo loo maray Habraaca khurista ciidmada xoogga dalaka, islamarkaana laga soo kala qoray guud ahaan gobolada dalka si ay qeyb uga noqdaan howlgalka socda ee khawaarijta looga saarayo dalka.
Dagaalka dhanka ah khawaarijta Kuma usan goobney oo kaliya dagaalka tooska ah ee waxa jiray mid dhanka fikirka ah,xukuumadda Dan-Qaran ayaa xoojisay doorka wacyigelinta bulshada,waxan iyadoo loo marayo Warbaahinta Qaranka la diyaariyay Barnaamijyo looga hadlayo wacyigalinta bulshada islamarkaana loogu sheegayay in waxa ay wadaan khawaarijtu ay tahy baadil iyo ka been sheegida diinta Islaamka,sidoo kale waxa la xiray barihii Bulshada ay khawaarijtu u adeegsan jirtay faafinta dacaayadaha ay buslshada ku marin habaabiyaan.
Sidoo kale waxa ay xukuumadda dadaal badan ku bixisay isu keenida Culimada Soomaaliyeed oo laga kala keenay dalka gudihiisa iyo dibada iyagoo soo saaray fatwo bulshada loogu iftiiminayay in ay bannaantahy dagalka khawaarijta si wadajir ahna looga wada qeb qaato degaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta.
waxaa dhidibada loo taagay Muqaal Baahiye cusub oo loogu magac daray SNTV-Daljir kaa loogu tala galay in qeyb weyn ka qaato oo lagu baahiyo howlgallada socda waxaana xariga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xukuumadda oo garwaasan kaalinta muhiimka ah ee Haweenka Soomaaliyeed uga jiraan bulshada ayaa Abaabushay olole wacyigalin ah oo haweenku kaga qeyb galayaan dib u xoreynta dalka,islamarkana ka turjumaya aragtida madaxweynaha ee halku dhigiisu ahaa Garanwaaga Gurihiina ka soo saar,waxa ayna Haweenka ku soo bandhigeen awodooda iyagoona sidoo kale is garab taagay ciidmada qaranka ee jiidaha hore ku sugan iyo xasilinta dalka,waxana ay xukuumadu daahfurtay Qorshaha Qaranka ee kaalinta Haweenku ku leyihiin amniga iyo xasilinta guud ahaan dalka.