Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday daadad ka dhashay roob ka da’ay Baardheere

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa uga tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday roobabkii daadadka watay ee ka da’ay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay musiibadaasi.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay taxaddar muujiyaan xilliyada ay roobabka xooggani da’ayaan, isagoo dhinaca kale ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ahba in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan shacabka magaalada Baardheere ee ay waxyeellada kasoo gaartay daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka curtay  degmadaasi.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa imanaya markii ay duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ku geeriyooden 9 qof, kuwaas oo ay la duntay Buundo ay isticmaalayeen xilli uu da’ayay roob mahiigaan ah.