Ciidanka XDS oo 30 khawaarij ah ku dilay Shabeellada dhexe

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa fashiliyay isku day weerar oo Khawaarijta Al-shabaab ay saakay kusoo qaadday deegaanka Daaru-naciim ee gobolka Shabeellaha dhexe

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Ciidanka ay  khawaarijta ka dileen in ka badan 30 malleeyshiyaad ah iyo Horjoogayaal, waxaana halkaasi loogu furtay hub fara badan.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa SONNA u sheegay in khawaarijtu ay ka carareen meydad badan, welina lagu raad joogo firxadkooda.