ALAABAHA DHACAY AMA KU DHOW DHICISTOODA SIDEE LAGU OGAAN KARAA?

Magaalada Muqdisho waxaa ku arkeysaa dukaamada ku yaala inta  badan alaabo waqtigooda dhicitaanka ay Ka harsan yihiin oo kaliya maalmo kooban, bilooyin sidoo kale waxa aad arkeysaa alaaba dhacay kuwaas oo lagu iibinaayo suuqayada magaalada muqisho waxaana ay Qatar ama halis weyn ay ku yihiin  nolasha bulshada soomaaliyeed ayna u horseedayso in bulshada soomaaliyeed ay qaar a siibaan xanuunka dilaaga ah ee Cancerka oo ay u dhinteen dadbadan qaarna ay la ildaran yihiin.

Intabadan badeecadaha waqtiga dhicitankoda uu dhow yahay ayaa dalka aad ugu badan waxaana arkeysaa cabitaan dhicitankiisa kaliya ay ka harsan tahay sadax maalin  sidoo kale waxa aad arkeysaa badeecado dhicitankoda ay ka harsan yihiin bil inkasto ay jirto hay’add u qaabilsan ilaalinta badeecadaha kala duwan ee dalka soo gala balse hay’addaas malahan qalab dhameystiran oo ay ku kontorolan taasina waxa ay sahashay in dalka si fudud ay ku soo galaan badeecadaha dhacay taasi ay Qatar ku tahay bulshada soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa jira daawooyin Iyana dhacsan oo dalka ku jira kuwaas oo aan marin baaritaano dheeraad ah oo lagu hubin lahaa taasi badalkeeda majirto baaritaan dadka Ayaana laga iibiyaa sidoo kalana waxaa jira daawooyinka la isku cadeeya qaarkood halis oo u badan in bulshada gaar ahaan dumarka isticmaala daawada ay Qatar ku tahay balse waa la iibiyaa gabdhihiina nafsadooda Qatar ayey galineysaa.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe dalka majirin baaritaano lagu sameeyo agabyada kala duwan ee dalka soo gala sida Raashinka, Batroolka, Saliida, Daawooyinka iyo alaabaha kala duwan ee dalka soo galo dhamaantoodna mana jirto hubin baahsan lagu sameeyo inkastoo ay jiraan hubino lasameeyo balse ma aha mid dabooli karta baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Hadaba sidee lagu ogaan karaa alaabaha dhaca ee dalka soogala waa su’aalaha ay isweydiinaayaan bulshada, aqoon yahana iyo xeel dheerayaasha.

Dabcan haddii ladoonaayo in la ogaado agabka dhacay sida Raashinka, iyo Dawooyinka dalka soo gala waa ay sahlan tahay haddii aan caqabad lagu noqon waxaana caqabad ku noqon kara ganacsatada, bulshada , rugta ganacsiga iyo dhamaan cidkasta oo ku lug yeelan karta.

Haddii aan qodobeeno sida lagu ilaalin karo waxa dhaca ee dalka soo gala iyo sida looga hortagi karo.

Dalka waxa uu leeyahay hay’add u xilsaaran ilaalinta iyo badqabka tayada waxa dalka soo galaayo iyo waxa dalka ka baxaayo ayada oo siineyso shahaado cadeyneyso in alaabta ay tahay mid labaaray ama la hubiyey taasina ay u horseedeyso in adduunka uu ku soo dhiirado.

Waa in lala shaqeeyaa hayadda taya dhowrka qaranka oo waajibaad uu ka saran yahay ilaalinta badqabka caafimaad ee kasaaran bulshada soomaaliyeed.

Waa in ganacsatada ay kala shaqeeyaan hay’adda sida ay ugu soo gudbin lahaayeen alaabaha dhacay , kuwa tayadooda hooseeso, kuwa aan caafimaad ahaan aanan wanaagsaneen dhamaan ganacsada waxaa looga baahan yahay in ay kala shaqeeyaan dowladda gaar ahaan hay’adda taya-dhowrka u xilsaaran in ay lawadaagaan xogaha waxkasta oo dhacay iyo waxkasta oo aan taya laheen.

Bulshada soomaalieed waxaa looga baahan yahay in iyaga ay kala shaqeeyaan waxkasta oo alaab ah oo ay oga shakiyaan in ay dhacdo, kuwaalati ahaan ay liidato ayaga oo lawadaagaya hay’adda taya dhowrka qaranka si ay hay’adda talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Hay’adda waxaa looga baahan yahay wacyi galin joogta ah oo ay u sameenaayaan bulshada soomaaliyeed ayna fahan siiyaan waxa ay tahay hay’adda shaqooyinka ay u xilsaaran tahay hay’adda oo ah waajibaad ka saaran bulshada badqabkooda caafimaad.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan