Maalin maal maha ka mid ah ayuu oday soo Gatay hilib geel ,wuxuuna ooridiisii ka codsaday inay u kariso hilibka geele oo uu suuq kasoo iibsaday si uu casho oga dhigo,
Gabadhii waxa ay markiiba bilaawday Karin iyo shiilis at ku sameesay hilibkii geela uu odaygii keenay,
Gabadhii iyo Odaygii iyagoo cunaya cashadi waxaa dhagahooda kusoo dhacay in la garaacayo gurigooda albaabkiisa.
Odaygii taajirka ahaa ayaa istaagay oo albaabkii furay, waxaana iridka taagan will faqiir ama sabool ah oo baahan wuxuu doonayaa cunto uu cuno,
odaygii waxa uu bilaabay in uu udiiday inuu wax siiyo isagoo kor u hadlaayo ama isma qashiinaayo dadka ayaa hadal jees jees ahna oranaya ayuu cayriyey wiilkii irida soo garaacay,
Wiilkii baahnaa ayaa yiri: Allaha kuu dambi dhaafee odayga, haddii aysan baahi i hayn lahayn gurigaaga maan soo garaaceen!
Muusan sugin odaygii taajirkii inta uu hadalka dhamaynayo, oo albaabkii ayuu ka horgeeyey isagoo caro daranna ay ka muuqato , waxuuna usoo laabtay cunnadiisii.
Gabadhiisii ana owridiisii ayaa tiri: Maxaad Albaabka sidaas uga horgeysay wilks wax na weydiisana?
Odaygii ayaa si caro leh u yiri: Oo maxaad dooneysay inaan sameeyo?
Owridiisii ayaa tiri: Waxaa suuro gal ahaan lahayd inaad siiso qayb kamida hilibka geela aan karshay si ay gaajada haysa u dayso,
Odaygii ayaa yiri: Ma waxaan siiyaa hilibkii San soo iibsaday oo aan iskugu taragalnay in aan labadeena cuno hilibka !!? Oo ma waalatay!!?
Owridiisii ayaa tiri: Haddii ay sidaas tahay waxaa qurxoonaan lahayd inaad hadal qabow oo wanaagsan ku dhahdid wiilka albaabka inoo soo garaacay,
Bilooyin kaddib waxaa dhacday in Odaygii taajirka ahaa Carwadiisii dharka lagu iibinaayey oo gubtay oo aan waxba ka bad-baadin dharkiiyoo dhanna ay baseen,
Odaygii waxa uu ku kusoo laabtay gurigiisa isagoo caraysan, wuxuuna ku yiri Owridiisii ama Xaaskiisii “Xaqiiqdii waxaa gubtay carwadeeydii waxbana kama bad-baadin oo waa basbeelay,
Odaygiina waxa uu siiyiri waxaan noqday midaan waxba haysan.
Owridiisii ama Xaaskiisii ayaa tiri: Ha isu dhiibin murugooyinka xaaji, u dulqaado wuxuu Alle kuu qoray iyo qaddarkiisa, Hana ka quusan naxariista Rabbi swt, wuu kusiin doonaa waxaad ku raali noqotid wuuna kuugu badalidoonaa wax khayr ah.
Hase ahaatee ninkii wuxuu ku yiri Owridiisii: “Imaqal gabar yahay, ilaa uu Alle khayr isiin doono orod aad guriga Aabbahaa, Anigu ma awoodo inaan ku biilo ayuu yiri odaygii ceertoobay!!. Wuuna furay Gabadhii,
Hase ahaatee Eebbe waa karaameeyey gabadhii oo waxaa guursaday nin deeqsi ah una naxariista masaakiinta oo gacan furan, waa uu quudiyaa kii gaajeysan, mana celiyo mid wax u baahan oo weydiista baahidiisa in loo gudo.
Maalin maalmaha kamida ah, Gabdhii iyo ninkeedii cusbaa oo casheynaya, ayaa albaabka lasoo garaacay, Way istaagtay gabadhii si ay usoo fiiriso qofka garaacaya, ninkeedii kolkey usoo laabatay waxay ku tiri:
Waxaa noo taagan qof waxna weydiisanaya oo ka sheeganaya baahi haysa darteed wuxuu cuno ayuuna rabaa.
Ninkii deeqsiga ahaa ayaa yiri: Sii cuntadii aad noo karisay qayb kamid ahmid , waxaa nagu filan waxyar oo aan barakeesano, Oo Eebbe waa noo nimceeyey innaga, mana celinayno ciddii inaga wax inasoo weydiisata ayuu yiri ninkii deeqsiga ahaa,.
Waxay bilowday ooridii inay illinta kasoo dareerto iyadoo ooyeysa, markay siisay qeyb kamid cuntada ay sugnaayeen, ninkeedii ayaa weydiiyey sababta ay u ooyeyso?
Waxay tiri: Anigu waxaan u oynayaa murugada aan dareemayo!
Ninkii baahnaa ee waxna weydiisanayey wuxuu ahaa odaygeygii hore oo taajir ahaa balse cayrtoobay,
Waxay bilowday inay uga sheekayso qisadii soo martay labadooda, oo uu u cayriyey wiilkii baahnaa ee wax weydiistay, iyahadaladii adkaa ee aan naxariista lahayn uu ku yiri.
Ninkii deeqsiga ahaa ayaa yiri: Xaaskaygaay, hadii uu ahaa ninkii albaabka garaacayey zawjkaagii hore; anna waxaan ahaa wiilkii wax idin weydiistay ee hore!!
Gabadhii ayaa waxaa ku dhacay yaab iyo ama kaak ayadoona layaabtay dhacdooyinkaan ku dhaceen.
Gunaanudkii sheekada ayaa waxa ay muujineysaa in ay insaanka ay isku naxariistaan oo ay isku kaalmeeyaan,
Alle swt ayaa yiri qofkii adoonkeeyga dhibka kasaaro in aaqiro isna dhibka alle kasaaro.
W/Q Cabdinaasir Yuusuf Aadan.