Qashinku waa saqda ka soo hartay wixii la isticmaalay, Qashinku maahan wax dib loo isticmaali karo, qashinka maadama uu san lahayn qiimo iyo waxtar, waa leyska tuuraa.
Sida aan horay usoo barangay Qashinka wuxuu leeyahay dhibaato muuqato iyo mid daahsoon, wuxuuna galaaftaa nolasha iyo horumarka ummadda, deegaanka iyo wixii halkaasi ku nool oo xoolo iyo dhirba ah.
Inta badan qaahinka aan ku qubno aagga guryaheena u dhow ayaa inoo keeni karayo caafimaad darro waxaana horay loo yiri inta ay wasakhda kuu jirto ayuu caafimaadka kuu jiraa.
Burburkii dalka ka dib waxyaabaha dalka dibaddiisa laga keeno ayaa dalkeenna Soomaaliya ku badan taas ayaana keentay in ay deegaankeenu ku sii badato wasakhda qashinka, oo buux dhaafiyay meelaha qaahin qubka ah.
Akhriste ma jirtaa meel gooni u ah oo aad u isticmaasho qaahinka si aanay qoyskaaga iyo deegaankaba waxyeelo ugu soo gaarin? Bacaha iyo caagadaha ka sameysan balastig’ga waa kuwa inta badan aad ku arkeysid meelaha xaafadaha u dhow taasoo ay soo badatay isticmaalkooda, deegaankeenuna uma wanaagsano oo waxa ay keenaan cudurro iyo nabaad guur.
Xoolaha ayaa inta badan isticmaalo qashinkaasi neefkii cunaa bac ama waxyaabo kale oo qashinkaa ah wuxuu la kulmayaa xaalad caafimaad darro, sidoo kale, caruurta deegaanka oo inta badan aagga xaafadda ku ciyaarto uma wanaagsano in ay ku dul ciyaaraan qashinkaasi.
Khataraha kale ee uu leeyahay waxaa ka mid ah in ay khawaarijta ay isticmaali karaan si ay amnigaaga iyo kan deegaankaba u wiiqaan iyagoo ku aasi karo walxaha qarxo.
Qaahinka si aanu saameyn deegaanka ugu yeelan waa la gubaa, keyd lagu aruuriyo ayaana loo sameeyaa dibadeed markuu bato ayaa goob loogu talagalay lagu gubaa.
Kuwa aanan dabku karinna waa la aasaa, noolaha iyo deegaankaba khatar weyn ayuu u keenaa waxyeellada uu leeyahay qaahinka, waa in laga taxaddaraa dhibta uu ku hayo guud ahaan gayiga soomaaliya.
WD: C/wali Daljir