Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kaga qeybgali doonaan shir ku saabsan horumarinta Warbaahinta dalka.
Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka,waxaa garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta Qaqaranka ayaa sheegay in maalinimada berrito ah uu magaalada Kismaayo ka furmi doono shir looga hadlaayo horumarinta warbaahinta dalka.
Shirkaasi ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan Wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada dalka.