Taliyaha Ciidanka Boliiska oo dhagax dhigay Qeyb cusub oo lagu soo kordhin doonno isbitaalka Madiina

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa Maanta Kormeerey shaqo  ku tagay Isbitaal Madiina ee Ciidanka Boliiska

Taliye  intii uu Ku guda jirey Kormeerka wuxuu Dhagax  dhigay Qeyb Cusub oo isbitaalka lagu Soo kordhin Doono taasi oo  qaabil San Hooyada Iyo Dhalaanka,isagoona mid mid u booqaday qeybaha kala duwan ee isbitaalka Madiina.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa wada dar-dargelinta howlaha shaqo ee ciidamada Boliiska u hayaan bulshada iyo sidii sii hufnaan iyo caddaalad ku jirto loogu adeegi lahaa bulshada Soomaaliyeed.