Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Safiirka Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya MR Alberto Vecchi,

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho iyo Maamulka Gobolka Banaadir.,iyo sidoo kale arrima ay kamid yihiin, dib udhiska xarumaha danta guud, sida Isbitaalada, M.C.H.yada, Wadooyinka muhiimka ah oo ay horey u dhistay Dowladda Talyaaniga, xarumaha farsamada gacanta, maareenta Barakacyaasha iyo dib u soo celinta xiriirka magaalooyinka Muqdisho iyo Liberty.