Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daha furay tababar loo qabtay shaqaalaha waaxda Dabdamiska

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta daha furay tababar socon doono mudda 7-cisho ah oo loo qabtay howl Wadeenada waaxda Dabdamiska ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Tababarkan oo ay fulin doonan Howl wadeena ka socda Magaalada Konya ee dalka Turkiga ayaa ah mid kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha kooxda Dabdamiska ee Dowladda Hoose xamar

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay musiibadii ka dhacday dalka Turkiga, isagoo Intaa kadib uga mahadceliyay Dowllada Turkiga iyo shacab keeda sida walalnimada leh oo ay u garab istaagtay dib usoo kabashada Dowladnimada Soomaaliya.