Shirweynaha waxbarashadda Qaran oo maanta muqdisho ka furmay

Wasaaradda waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS ayaa maanta daah furaysa shirweynaha waxbarashadda Qaranka ,kaas oo socon doono mudda 5-maalmood ah islamarakana uu daah furi doono  Madaxweynha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb gali doono xubnno ka socda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka,gobolka Banaadir, bahda waxbarashada dalka,waalidiin,arday iyo qaar ka mid ah Ha’ayaddaha caalamiga ah ee wasaaradda ka tageera dhanka waxbarashada,waxana looga hadli donaa tayaynta waxbarasahada dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan waxbarashada.

Wasiirka Waxbarasahdda XFS mudane Faarax sheekh Cabdulqaadir oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ayaa sheegay in shirka lagu soo bandhigi doono daraasado aqoon iyo isweydaarsi la xariiro  sidii loo tayayn lahaa waxbarashada dalka iyo mastaqbalkana loo heli lahaa waxbarasho tayo leh.

Ujedooyinka shirka ayu wasiirka ku sheegay dajinta aragti waxbarasho oo lagu midaysan yahay ku xeeran baahida iyo danta ummadda soomaaliyeed,Isla fahamka caqabadaha hortaagan tayada waxbarashadda dalka iyo ka doodista sidii looga gudbi lahaa caqabadahaasi.

Wasaaradda waxbarasahdda Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa ka hor inta uu shirka furmin la kulantay culimada iyo bulshada Rayidka kuwaa oo laga aragti galinayay sida loo tayayn karo guud ahaan waxbarashada dalka.

Wasaaradda oo wadda daddaallo lagu hormarinayo waxbarshada dalka ayaa dhawaan qaaday imtixaanka macalimiin seddex kun oo ay wasaaraddu dooneyso in ay ku qaadato Macalimiin,hadana ay socoto sixitaanka imtixaanka dhawaana ay wasaarada shaacin doonto.