Golaha shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada

Xildhibaanada Golaha Shcabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka la dagaallanka Argagixsada, waxaana ogolaatay ansixinta sharcigaasi 133-xildhibaan, seddax Xildhibaan ayaa diiday sodoba xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Agaasimaha Hey’adda NISA , Mahad Maxamed Salaad ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dadaal dheer kaddib maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

Sharcigan waxa uu laf-dhabar u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna kusoo beegmay xilligii aan ugu baahida badnayn si aan u gudanno waajibaadka naga saaran ka hortagga Khawaarijta iyo ciribtirka faldambiyeedyada la xariira argagixisada.

Dhankooda, waxa aan ka codsanayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Aqalka Sare ee BFS in ay ansixiyaan Sharcigan oo shaqadiisu soo socotay muddo dheer, si aan uga gudubno caqabadda ay argagixisadu ku hayso dalkeenna” sida lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.