Maalinta Haweenka Adduunka oo laga xusayo Caalamka By Aadan Sooyaal March 8, 2023 2 Min Read

Faallo: Maanta oo kale caalamka guud ahaan waxa laga xusaa maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da bisha Marso.waxaana gudha dalka iyo dibada lagu qabtaa munaasabada waweyn oo loogu dabaal dagayo maalintaan.

Sanadkii 1975 ayay golaha loo dhanyahy ee qaramada midoobay u aqoon sadeen in  sanad walba bisha seddexaad sedeedeeda loo dabbaal dago maalinta haweenka Adduunka oo ah maalin ku weyn haweenka Adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Maalinta haweenka Adduunka ayaa lagu soo bandhigaa caqabadaha iyo guulaha ay gareen haweenka gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, daryeelka caafimaadka, hal abuurka, waxbarashada, hoggaaminta iyo arrimaha bulshada.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka qaatay mareynta nolol maalmeedka qoyska, waxbarashada  iyo in ay qey ka qataan siyaasadda iyo dowlad dhiska ummadda soomaaliyeed.

Haweenka oo ah udub dhexaadka bulshada ayaa sanadahii danbe sameynayay horumarro dhinacyo badan leh oo la xiriira sida dhanka ka qey noqoshada dowlda waxbarashada iyo caafimaadka.waxana u sii dheer bar-baarinta ubadka soomaaliyeed oo la dhihi karo waa warshad wax soo saar .

Muqdisho iyo gobollada dalka waxaa lagu qabtaa munaasabada lagu xusayo maalintaan, iyadoo hoggaamiyaasha haweenka Soomaaliyeed todobaadkaan ay muqdisho ka wadeen dabaal dag xuska sideedda Marso oo sanadkaan halku dhig looga dhigay Garanwaa guriyihiina ka soo saara, haweenka ayaana qeyb weyn kuleh ololaha bulshada looga wacyigalinayo in ay iska soo qabtaan Garawaaga ku dhax dhuumanayo.