Puntland oo dil ku fulisay 19 qof oo 13 ka mid ah yihiin Khawaarij

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay 19 nin oo 13 ka mid ah ay ahaayeen shabakado ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Marka laga tago 13-ka Khawaarijnimada lagu helay ayaa lixda kale waxay ahaayeen askar horay uga tirsaneyd ciidamada Puntland oo lagu helay dembiyo dilal ah oo ay geysteen.

Bishii June ee 2021-kii ayay ahayd markii ay maxkamadda Ciidamada Puntland ay sidan oo kale dil ku ridday 17 xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta Al-shabaab, iyadoo dilka maantana uu noqonayo kii ugu badnaa ee lagu rido kooxaha Khawaarijta.