Dardargelinta adeegyada garsoorka ee dalka oo laga hadlay

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Mudane, Baashe Yuusuf Axmed ayaa la shiray Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Banaadir, waxaana ay ka wada-hadleen dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan kiisaska horyaala Maxkamadaha si loo xaqiijiyo helitaanka caddaalad aan daahis lahayn.

Shirkan oo ah mid joogto ah, ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta isla-xisaabtanka, dib-u-eegista waxyaabahii qabsoomay, caqabadaha jira iyo weli ba sidoo kale siddii loo fududeyn lahaa helitaanka adeega caddaaladeed ee dalka.

Guddoomiyaha oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa Garsooreyaasha iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanka iyo Gobalka  ku boggaadiyey sida hufan ee ay mar walba ugu adeegaan cid kasta oo caddaalad u soo doonata Maxkamadaha, waxaana uu kula dar-darmaamay in la sii hagaajiyo dedaalka iyo adeegidda bulshada.