Hantidhawraha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Hantidhawrayaasha Dowlad Goboleedyada

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan isbarasho ah aaladda fogaan-aragga kula qaatay Hantidhawrada Guud ee Dowlad Goboleedyada Jubaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.

Hantidhawrada Guud ee heer federaal iyo dowlad goboleed ayaa intii uu kulanku socday waxay isku waydaarsadeen xog dulmar ah oo ku aaddan hawlihii iskaashiga iyo taageerada ku qotomay ee soo socday mudaddii la soo dhaafay. Hantidhawre Axmed Guutaale oo tilmaamo ka bixiyey heerka uu soo gaaray iskaashiga labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahanyahay in la sii dardargaliyo iyadoo xoogga la saarayo taageero mug leh oo ay helaan Xafiisyada Hantidhawrada Guud ee heer dowlad goboleed.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa isbarashada kadib muujiyay sida ay uga go’antahay inuu sii dhaqaajiyo xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeyay xafiisyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada aqoon-kororsiga, tababbarada kobcinta xirfadda hawlwadeennada iyo in Xafiiska Hantidhawrka Guud uu sii wado in uu u qareemo in bahwadaagta caalamiga ay horumarka ka taageeraan xafiisyada heer dowlad goboleed.