Wasiirka Gaadiidka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Barxada Baarkinka Airport-ka muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xariga ka jaray Barxada Baarkinka Airport-ka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho oo la filaya in uu xal u noqda saxmada badan ee ka jirtay Airport-ka.

Xarig jarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiisha Amniga Airport-ka Aadan Cade iyo xubna ka socday beesha Caalamka.