Madaxweynaha Puntland oo ka qeybgalay kulanka horumarinta degmada boosaaso iyo hiigsiga 2030.

-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Kulanka Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030, iyo Habka loo horumarinayo magaalada, adeegyada dowliga ah, Kuwa Bulshada iyo nashqadeynta magaalada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha nashqadeynta ee ku socda magaalada, sida loo horumarinayo iyo adeegyada Bulsho ee magaalada. Iyadoo Sidoo kale la soo gudbiyey muqaal soo koobaya Mashaariicda horumarin ee ka socda Boosaaso , sida horumarinta Airport, Balaarinta Dekadda Boosaaso, Wadooyinka , Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Horumarinta Korontada, Dhismaha xarumaha Dowladda iyo howlgalada lagu baneynayo Wadooyinka magaalada iyo Dhulka Dowladda.

Dhammaan Masuuliyiinta, hoggaanka dhaqanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka qeybgalay Kulanka ayaa soo dhoweeyay sida ay Dowladda muhiimad u siinayso dhismaha iyo horumarinta , bilicda iyo nashaqadeynta magaalada. Waxayna muujiyeen sida ay Dowladda garab ugu siinayaan taabagelinta qorshaha nashqadeynta iyo Horumarinta Degmada ee Hiigsiga 2030.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo muhiimadiisa wuxuuna ku adkeeyay Bulshada Boosaaso in Dowladdu ka howlgashay Horumarinta iyo hagaajinta bilicda magaalada loona baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan, si wada jir Dowlad iyo Shacaba looga shaqeeyo in Boosaaso la gaarsiiyo meel ay istaahisho iyo in ay la mid noqoto magaalooyinka la mid ka ah ee Adduunka.