Mukhtaarna aaway? Ma ogi. Ma ogi. Ma ogi! Dhub Allaha siiyo dhiblowgaas! Markuu Iikar ku soo dhacay bay isku naxday. Intay Axmed wajigiisa eegmo lama filaan ah qac ku siisay, bay degdeg uga jeesatay, ee indhaha hoos u rogatay. Waxaa saaqay dareen dhalanteed ah oo cabsi geliyey.
Waxay lanoqotay in uu Axmed uurkeeda daalacday ee Iikar ka dhex arkay, ogaadayna arrinta ka dhaxaysa iyada iyo ina-adeerkeed. Iyadoon is garanayn bay wajigiisa xanaaq ka eegaysey.
Markay is garatayna waa tii degdeg uga jeesatay. Waxay ka cararaysey in eegmadu shaki geliso, ama indhihiisa soo jiidato, ka dibna uu dareemo walwalka wajigeeda ku sawirmay. Hoos-u-jeesiga waxay ku qarinaysey walaacii ku dhacay korkeedana wada saameeyey. Hase yeeshee, wuu qarsoomi kari waayey.
Sheekadii uu u hayey way ka hartay. Inuu hadlaayo way maqlaysey. Waxa uu ka hadlaayose goorahaanba lama socon. Isagoo hadalkii dhexda uga jira, ayay intay sacabkeeda midig isku babisay uga naxsatay! “Axmed minankaada kuleel waaye.” Waxay isku dayaysey in ay hadalkaas walaaceeda ku qariso.
Ama in ay albaabkiisa ku ooddo. Intuu wajigeeda ka ilbuuxsaday buu yiri, isagoo sheekada ay kala goysay filan waageedu indhihiisa ka muuqdo, “Ma kululaatay Maana?” Intuu babis soo haabtay buu cod macaan ugu raaciyey, “Iga raalli ahow gacaliso, haddii aan dareemi waayey in kulayl ku hayo! Marka aad ila joogtid, jacaylkaaga mooyee wax kale ma dareemo. Hawadu kulayl iyo dhaxan mid ay tahay ma garanayn.”
Intay markuu in yar babiyey, babiskii si dabacsan uga soo qabsatay bay tiri, “Waad mahadsan tahay.” Wuxuu afka u kala qaaday in uu hadal yiraahdo. Laakiin intaan eray ka soo bixin buu maqlay albaabkii yare riixnaa oo la garaacayo iyo “Bermeeso” nin leh. Intuu jalleecay buu yiri, “Soo dhaaf!” Maana-Faay intay isku naxday bay Axmed ka durugtay. Inan madow oo xoog weyn baa soo galay. Xabbad sigaar ah oo daaran baa laba farood dhexdooda ugu jirta. Gacanta kalena silsilad dheer oo xirmo furayaal ah ka lulata, ayuu si qabweyni ku jirto ugu wirfinayaa.
Markuu madaxa la soo galayba, waxaa qacdii hore indhihiisa jiidatay gabadha quruxda badan ee kursiga ka dhakoosha. Cabbaar bay indhihiisii ku dul suuxeen, sidii bir magnad qabsaday, addimadana midba mar buu si culus u soo qaadayey. Abbabaay. Abbabaay! Ar waxaasaa qurux lagaa yiraahdaa! Daayeerku xaggee buu ka helay malaa’igtaan yar? Maxaan anigu u heli waayey intuu isagu helayey, anigaaba intaas magaalada afarteeda gees baabuur la wiifayee? Intii uu sidaas uurka ka lahaa, afkana wuxuu ka yiri, “Galab wanaagsan!”
Oraahda noocaas ah weligii kuma salaamin saaxiibki. Kajan iyo xifaaluu hore uga bilaabi jiray. Oraahda asluubaysan, eegmada hurdaysan, saanqaadka miisaaman iyo sigaarka qabweynida loo jiidayo, intuba waa dhoollatusad gabadhu ka keentay. Waa caado uu leeyahay markuu gabar cusub la kulmo. Markuu meeshii gabadhu fadhida hal tallaabo u soo jirsaday buu intuu si xushmad leh gacan ugu soo taagay ku yiri, “Abbaaye Kulmiyaa la i yiraahdaa.”
Intaan Maana u jawaabin buu yiri Axmed, sidii nin eed reeb ah, ee ka gaashaamanaya in waajib- gudasho la’aan lagu eedeeyo, “Kulmiye waa saaxiibkay aan isku dheernahay. Iska jir, waa dumaashigaaga koowaad.” Haddana intuu Maana garabka shishe gacanta ka saaray buu yiri, isagoo Kulmiye hadalka u jeedinaya, “Maana-Faay. Waxaan u malaynayaa wax badan baad iga maqashay. Waa qoftii aan ku dhaaran jiray.
Magaceedu kuguma cusba.” Haah, waa qoftii uu barashadeeda kaa meermeerin jirey. Galabtaad qabatay. Alleylehe bagaad ugu timid. Ilayn hadduu beryahaan dumarkii kale ka go’ay, waa nin sabiibkaan cidla ka helay! Intuu mar labaad Maana gacan qaaday, buu yiri, isagoo fikradahaas madixiisa ku soo dhacay dhoolla-caddayn ku qarinaya, gacanteedii dabacsanaydna weli ku dheggan, “Maana-Faay miyaa qoftaani? Waa runtaa. Magaceedu iima cusbee, araggeeda uun baa ii dhimmanaa, isagana galabtaan nasiib u yeeshay. Barasha wanaagsan!” “Barasha wanaagsan!” bay ka daba tiri, iyadoo gacanteedii uu ku dhaggenaa tartiib ugala baxaysa, ee uurka ka leh, Iga fuq bisinkee!
“Aad baan ugu faraxsanahay,” isagiiba sii watay, isagoo kursi uu soo jiitay ku sii fariisanaya, “In aan galabta dumaashiday bartay. Inkastoo aynnaan is arkin, waan la socday in aad qof wanaagsan tahay. Sidaas daraaddeed, waxaan hadda ka hor Axmed ku iri, habeenka u horreeya ee aad Maana iskaaya bartid, labadiinnuba anigaad ii casuman tihiin. Nasiib wanaag caaway noqotay. Casumaaddaydii waan fulinayaa, idinkuna waad iga aqbalaysaan. Adiga sharafkaaga, ayaynu isku casumaynaa Maana. Isbarashadii qoyska oo dhammaystirantayna waynnu u dabbaaldegaynaa. Sow ma aha Maana?
Qalinka noogu duug! Allaa yacisak!” “Abboowe waa mahadsan tahay. Cawada wakhti ma qabi,” bay ugu jawaabtay iyadoo dhoolla- caddaynaysa, qosol dhab ahna isku celinaysa. Waxay iska dhigaysey qof hadalkiisa u bogtay, ee riyaaqiisa u qoslaysa. Dhabtuse waxay ahayd, hadal tiradiisa iyo indha adaygiisay ku qoslaysey.
Axmed qudhiisa mar baa qosol ka soo fakan gaaray, markii Kulmiye ku andacoonayey in uu martiqaadkiisa hore ugu sheegay. Markuu beenta uu qurxinayo maqlay, buu intuu darbiga xaggiisa u jeestay, uurka ka yiri, Iska wad waa munaafaqnimadaadii aad weligaaba hablaha ku indha sarcaadin jirtaye! Kulmiye martiqaadku ka dhab buu ahaa, kase daacad ma aheyn. Markuu Maana arkay buu go’aan degdeg ah ku gaaray in uu daraaddeed u baabi’iyo barnaamijkii habeenkaas u qorshaysnaa. Wuxuu la ballansanaa laba gabdhood oo uu xalay iyagoo waddada taagan ka qaaday, ee soo cashaysiiyey, ka dibna ay ku adkaatay in uu middood ku keliyaysto, tan labaadna khaarajiyo. Waqtiguna ciriiri buu ku ahaa, waayo gabar uu labadaas beri wadwaday buu gurigiisa kula ballansanaa.
Sidaa awgeed ayuu asxaabtii cusbayd ku yiri, “Waa inoo habeen dambe!” Axmedna wuxuu u soo maray inuu hore u qaado, ee yiraahdo, “Naagaha mid iga qabo,” si uu tan kale daynkiisii uga gudsado. Markuu Maana-Faay arkay hablihii fiidmeerta ahaa iyo barnaamijkoodiiba wuu la qiime beelay. Hase yeeshee, martiqaadkaas iyo barnaamij- burburintaasi kama ahayn deeqsinnimo ka badatay iyo daacadnimo saaxiib ahaaneed.
Ugu danayn mayn Maana-Faay iyo Axmedkeeda. Isagaa meesha dan ku watey. Waa caado uu leeyahay marka uu gabar qurxoon la kulmo, in uusan si fudud uga gudbin isku dayiddiisa hore, waa in uu isla markaasba barnaamij la samaysto. Hadday taasi ku adkaato, sida badanaaba dhacda, wuxuu ku dadaalaa in uu ka guntado xarig uu berri raad raaci karo. Gurigeeda, taleefoonkeeda, meesha ay ka shaqayso, ama dugsiga ay dhigato iyo wixi la mid ah. Kuma aammino taleefoon ay isaga ka qaadato, ama ballan ay u dhigto oo keli ah. Isla markaas, waa in uu inta ay la joogto ‘burhaantiisa’ wax ka tusaa, ee run iyo beenba ku indha sarcaadiyaa, si ay araggiisa labaad ugu soo hilowdo. Taasi waa qofta caadiga ah ee uu ugaarsanayo. Laakiinse tani waa dumaashidi. Dumaashidi miyaa hunguri ka hayaa? Xaashaa lillaah! Sharafkiisaa ka weyn! Oo haddaas muxuu ilaa xadkaas u danaynayaa? Muxuu barnaamijkii u qorshaysnaa ugu loogay? Muxuu isagoon waqti haysan u soo ag
fariistay, ee sheekada dheer ugu galay? Hayaay! Muxuu uga hagaagi la’yahay, ee ay weli u haysataa
sidii magnadkii? Muxuu u sii dhadhansanayaa erayadeeda? Muxuu u sii macaansanayaa daymadeeda? Bal adba! Ma uu garanayo. Timir laf baa ku jirta! Ceeb Alla ha asturo! Maya. Maya. Xaashaa. Alle iguma jirrabin in aan saaxiibkay gacan dhaafo. Inta naago Ilaahay badshay dumaashiday wax ka damci mayo. Immisaa bocor i daba ordaysa, ee aan ballannadoodii kala jahayn kari la’ahay! Laakiinse tani dumaashiyo la mid ma aha, dumar la jaad maaha. Eeysh calaa cuyuun! Qoftu ma qof baa! Yaa salaam! Bal Ilaah baan idinku dhaarshaye, eega canabkaas bislaaday! Ma indhahaasaa la iska celin karaa! Ufaa caleeg! Jalleeceeda macaan baa i dishay! Istaaqfurulla!