Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray bandhiga carwada Warshadaha Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray Bandhiga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Bandhigan oo ay soo qaban qaabiyeen Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay wax soo saarka Warshadaha ka dhisan dalka, taasi oo loogu kaaftoomayo baahida Ganacsatada Soomaaliyeed ay u qabeen in dalka dibadiisa ay kasoo dhoofsadaan badeecadaha maanta lasoo bandhigay.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddiyadda Warshadaha iyo Ganacsiga Gobolka Banaadir, Ganacsato iyo daneeyeyaal kale ayaa kasoo qeybgalay Bandhigaan oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qabto dalka.