Duqa Muqdisho oo daah-furay soo bandhigista Cilmi-baarisyo laga sameeyay Caasimadda dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay soo bandhigista Cilmi-baarisyo laga sameeyay Caasimadda Muqdisho, ee uu soo qaban qaabiyay Machadka HERITAGE.

Cilmi-baarisyada ee uu soo bandhigay Machadka HERITAGE maanta ayaa diiradda saarayay dhinacyada kala ah heshiis siyaasadeedka magaalada Muqdisho ay ku dhisan tahay, Nidaamyada Magaalada, Amniga, Dhulka, Isku-xirka Dhalinyarada iyo Barakacayaasha.

Munaasabada soo bandhigista cilmi-baarisyadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka iyo Madaxda Machadka HERITAGE, Agaasimeyaal ka socday Wasaaradaha qaar ee XFS, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, Aqoonyahano iyo Marti sharaf kale.