Ukraine: Ma jirto calaamad muujinaysa in Shiinuha uu Hub siiyo Ruushka

Madaxa sirdoonka Ukraine Kirillo Budanov, ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Warbaahinta, in aaysan jirin wax muujinaya in Dowladda Shiinuha ay dooneyso inay Hub siiso dhigeeda Ruushka.

Kirillo Budanov, ayaa sida muuqato Wareysigan ugu jawaabayay hadaladii dhawaan ka soo baxay Mareykanka ee ku saabsanaa in Shiinuhu uu doonayo in uu hub siiyo ciidamada Ruushka, si ay ugu kaashadaan duulaanka Ukraine.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Mareykanka 25-kii bishan, ayuu Kirillo Budanov, ku yiri “Waqtigan xaadirka ah, uma maleynayo in Shiinaha uu aqbali doono in Ruushaka uu siiyo Hub, si uu ugu kaashado dagaalka nagala dhaxeeya.”