Mid ka mid ah balanqaadyadii ololaha doorashada ee madaxweyne Xasan sheekh oo maanta meel mar noqday

Hanaanka Dowlad dhiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo soo maray heerar kala duwanaa kuwaas oo lahaa caqabadahooda ayaa marwalba ahaa mid koritaan sare samaynayey,sida hanaanka dhismaha Federaalka dhismaha Ciidanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee kala duwan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud ayaa balanqaadadiisii ololaha doorashada waxa ka mid ahaa kor u qaadida waxbarashada dalka iyo in dhamaan adeegyada dowladda si siman loo gaarsiiyo dadweynaha,sidoo kale madaxweynaha ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in Sanadka 2023 noqon doono sanadkii Adeegyadda Dowladda la gaarsiin lahaa dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda XFS ayaa dhowaan shaaciyey in Wasaaradda Waxbarashadu dadaal ugu jirto sidii dadweynaha Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh isagoo wasiirka xusay in bilaha soo socda wasaaraddu qaadanayso oo hawlgelinayso 3000 oo macallinmiin cusub ah iyadoo wasaaraddu u qaadan doonto hab tartan furan ah shaqo-gelintooda si loo gaaro malaayiinta Soomaaliyeed ee aan fursad u helin in ay helaan waxbarasho tayo leh” Yoolka qaadashada macallimiinta cusub,qaybka ah in aan mudnaan gaar ah siino gabdhaha Soomaaliyeed ee waxbartay,macallimiinta farsamada,Macallimiinta dugsiyadda quraanka,dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo dadka ku nool deegaannada laga xorreeyey kooxaha khawaariijta” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdiqaadir wasiirka waxbarashadda XFS.

Hadda maanta waxa fulay mid ka mid ah balanqaadadii madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ka dib markii maanta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre daah furay Imtixaanka shaqaaleysiinta Saddex kun oo Macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka oo ay kamid tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxa uu guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le’eg oo macallimiin ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo Saddex Milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da’dii waxbarasho.

Wasaaradda Waxbarashada oo hormuud u ahayd qabsoomidda Imtixaanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey dadaalkooda, gaar ahaan dib-u-eegista hannaanka waxbarashada dalka,Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ka kala dhacaya 22 goobood oo ku yaal 11 magaalo oo dalka ah ayaa waxaa u fariistay 8 kun macallin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hore uga tirsanaa bahda waxbarashada dalka ayaa waxa ka muuqda xog ogaalnimo dheeri ah oo uu u leeyahay baahida waxbarasho ee dalkeena taal waana sababta uu uga dhigtay mid ka mid ah tiirarka ugu weynaa ee balanqaadyadiisii ololaha doorashada in uu dib u dhis xooggan iyo horumarin dhanka tayada iyo tirada ba ku sameeyo hanaanka waxbarashada dalka.