Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS oo baaritaan ku sameyneysa fuustooyin sun looga shakisan yahay oo yaalla Xeebta Cadale

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay deegaanka Cadale, kuwaas oo muddo dheer yaallay xeebta Degmada Cadale ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Hamahaan ayey walaac ka muujiyeen dadka degaanka,iyagoo uga shakiyey in ay ku jiraan walxo kiimiko iyo sun ah

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa lagu sheegay in wasaaradda sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qorshayneyso in ay koox khubaro ah u saarto arrintan, kuwaas oo baaris ku sameeyn doono hamahaasi looga shakisanyahy in walx kiimiko ah ay ku jiraan,si deg deg ahna ku gaari doona deegaanka Cadale ee gobolka shabeellaha Dhexe.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xariir la sameeysay maamulka degmada Cadale, waxaana la isla meel dhigay in si kumeel gaar ah loo xiro aagga ay fuustooyinku yaallaan inta baaris rasmi ah looga sameynayo si loo hubiyo badqabka bulshada iyo deegaanka,iyadoona la faray shacabka degaanka in ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jira, si loo ilaaliyo Bedqabka cafimaad ee bulshada dagan Cadale.