Diyaar garow ku aadan dagaal ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda gobolka Bakool

Diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta ayaa ka socda degmooyin ka tirsan gobolka Bakool iyadoo maanta taliyaha qeybta 60-aad iyo masuuliyiin kale ay gaareen Ceel Berde iyo Xuddur.

Wafdi iskugu jira saraakiil Ciidan iyo Wasiiro ka tirsan Koofur galbeed ayaa gaarey Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka bakool waxaana ay la kulmeen Masuuliyiinta maamulka iyo Bulshada iyaga oo uga sii gudbay dhanka degmada Ceel Berde.