Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo Tababar u furay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaraddaha arrimaha guddaha dowlad goboleedyada

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daah furay siminaar ay Wasaaradda qabaneyso oo la xiriira kala faa’ideysiga “Peer Learning”.

Munaasabadda daah furka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cayndaruus Maxamed Xasan, Agaasimeyaal ka socday dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo maamul gobolka Banaadir, waxaa kale oo ka qeybgalaya xubno ka socda beesha caalamka.

Siminaarkan oo 5 maalin socon doona ayaa xoogga lagu saari doonnaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta dib u heshiisiinta iyo ka hortagga colaadaha. Waxaa kale doodo iyo Falanqeyn laga yeelan doonnaa nabad dhiska, colaadaha la xiriira cimilada iyo qaar kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalim Fiqi oo kulanka furitaankiisa ka hadlay ayaa dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in siminaarka uu noqdo mid nidaam xog uruurin casri ah laga dhaxlo, ayna kasoo baxaan in si cilmi ah looga doodo, loona diiwaangeliyo meel xusuus dhowr ah lagu keydiyo, isagoona sheegayin siminaarkan uu ka gedisan yahay midkii hore, waxa uuna rajeeyey in wax badan laga baran doono khubarada, kaqeybgalayaashana ay kala faa’ideysan doonaan, gaar ahaan arrimaha la xiriira xallinta khilaafaadka, nabad dhiska iyo ka hortagga colaadaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatada ka socota Laascaanood, isaga oo ku celiyey mowqifka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah in xabadda la joojiyo, ciidanka laga saaro, isaga oo hoosta ka xariiqay in laga gudbay xilligii colaadaha iyo dirirta.

Dhankiisa, madaxa UNDP ee Soomaaliya Jocelyn Mason oo goobta ka hadlay ayaa ugu horreyn waxaa uu bogaadiyay kaalinta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee arrimaha dowladnimada, wadashaqeynta joogtada ah, isaga oo ammaanay natiijada wejiga hore ee peer leaning.

Jocelyn Mason, waxaa ku celiyey sida hey’adda UNDP ay uga go’antahy gacansiinta barnaamijyada, kala duwan, gaar ahaan kuwa xoogga saara arrimaha haweenka, dhalinyarada, horumarka gobolka iyo dib u heshiisiinta.