Gudniinka gabdhuhu waa hab-dhaqan soo jireen ah oo ay caan ku yihiin qaar ka mid ah bulshoyinka Afrikaanka oo ay ka mid tahay Soomaalida.
Waa maxay ka ganacsiga gudniin? Waxaa jira dad ka ganacsada shaqadaa gudniinka oo lagu yaqaanno isla markaana loo geeyo, iyagoo qaadanayo qidmo lacageed haddey tahay gabadh ama wiil, balse maanta waxaan kaga hadleynaa maqaalkeenna gabdhaha oo si xun loo jar jaro xubintooda, waana halka uu dhibka badan ka taagan yahay.
Gudniinku wa nooc kasta oo lagu jarayo qeyb ka mid ah ama giddigiis qaarka sare ee xubinta taranka dumarka .
Gudniinka gabdha oo noocayadiisu kala duwanyihiin ayaa ah xad gudub iyo dhibaato joogta ah ay la kulmaan haweenka somaliyeed, xilliga ay yaryihiin balse dhibatadiisu ay tahay mid ay la nolaan donan inta cimrigooda oo uu jiro.
dhibtooyinka ay kala kulmaan waxaa kamid ah
1 qalbi jab iyo walaac
2 hubanti la’aan oo keni karta dhiig bax ama dhibatoyin ku dhaca gabdha xilliga ay howsha gudniinka socoto.
3 xanuun ay kala kulman cadada.
4 xanuun iyo culays xilliga galmada ah.
5 kaadida oo dhib iyo xanuun ku ah.
6 xayiraad xilliga shaybaarka.
7 khatarta oo sii ballaarata xilliga dhalmada.
Gudniinka gabdha waxaa sababtay caado dhaqmeed so jireen ah taas oo ay haystaan ugu yaraan 29 dal oo afrikada saxaraha koonfur ka xiga
sido kale waxaa laga isticmalaa, Yaman, Cumaan iyo Indoniisiya
Bulshooyinka ku dhaqma gudniinka waxa ay aminsanyihiiin inaysan gabdhii aanan la gudin aysan nolal sharaf leh ku nolaan Karin
Ama goynta xubin caafimaad qabta oo jirkeeda ka mid ay ka qeyb qadanayso xakamayn dareenkeda naf ahaaned ee gabdha haddaba isku so wada duubo
Maamul Puntland ayaa meel mariyey sharci dembi ka dhigaya gudniinka gabdhaha.
Sharcigan ayaa noqonaya kii ugu horreeeyey ee noociisa ah ee laga hirgaliyo Soomaaliya, kaas oo mamnuucaya nooc walba oo gudniinka gabdhaha ah, ayadoo ciddii ku xadgudubtana ay ciqaab mutaysan doonto.
W/Q: Sowda Cali Cumar.