SOOMAALAAY KHEYRAAD LAGA BAAHAN YAHAY MA ARAGTEEN

Dalkeena Soomaaliya waxuu ka mid yahay dalalka Adduunka ugu kheyraadka badan, uguna wanaagsan dhanka Cimilada.

wuxuu ku tiirsan yahay afar dhinac oo aad u baaxad-weyn, una wax-dheef badan oo kala ah Badda, Birriga oo bar iyo beer ka kooban, Macaadinta, iyo Shidaalka. Berriga waxaan ku dhaqannaa xoolo afar meesi ka kooban: Geela, Adhiga,Lo’da iyo Gammaanka oo dhammaantood inoo leh wax-tar aanay umadaha kale haysan, nasiibna u yeelan.

Waxaa noo sii dheer dhul cosob iyo carro-san ah oo beerashada oo ugu wanaagsan, dalag kastoo lagu tabcaahina uu si hagaagsan uga baxo oo barwaaqo iyo baad looga haago.

Dhanka badda ayana waxaa ceegaaga kalluun jaad walba leh oo ciiddaa ka badan, dalalka aduunka qaarkoodna aan badohooda laga helin ee inaga noo gaadh ah, wax-tar dhaqaale iyo mid calaf oo aad u balaadhanna inoo leh.

Seddaxdaa dhaqan-dhaqaale waxaa inoo weheliya shidaal iyo macdin uu dalkeenu hodan ku yahay oo meel walba muush ku ah, gal iyo goofna ka buuxda.

Sidoo kale waxaa illaahay ina dejiyay oo nagu makaniyay goob istaatiiji ah oo ganacsiga aduunka intiisa badan marin u ah, cid waliba ay isha ku hayso oo muhiimaddeeda lawada qirsan yahay.

Haddaba weydiintu waxay tahay ayadoo sidaa illaahay inoogu nimceeyay, kheyraadkaa faraha badanna laynagu cowryayo maxaa naga dhigay ceydh/cayr faraha madow oo aanu aduunyada u tuugsannaa? Jawaabtu waa mid adiga lagaa sugayo,balse dad badanni waxay rumaysanyihiin inaanu nolosha hal qaab oo xoolo dhaqasho ah ka fahamnay ee aynaan jaadadka kale ee kheyraadka wax quman ka aqoon.

xoolihiina ay nolosheenu ku tiirsanayd kolkay abaaro soo noq-noqday ina nacsiiyeenna aynu magaalooyinka caga caddaan ku soo galnay, dabadeedna illeen qaab-noleed xoolo dhaqasho ka duwan ma naqaane aan sidaa saboolnimo ku qaayibnay, gacmahana hoorsannay.

Sababi waa middaa, tu kalena waa buufis dal nacayb ah oo dhammaanteen inagu wada beeran, inaanay kheyraadkeena iimaansanno inoo diidan oo tahriib iyo tahluko inagu riixaya.

Qof kastoo inaga mida waxaa maskaxdiisa ka guuxaysa sidii uu dalalkaa reer galbeedka mar uun u caga dhigan lahaa, cayr iyo cood aanu cududdiisa kula soo bixinna fadhi ugu jadiiman lahaa.

Sidaa darteed, indheheenu ma arkaan barwaaqada Eebbe ina siiyay oo meel kale ayaan dhammaanteen ku sii jeednaa, nabad-galyo xumo beenana waan sheegganaa si aanu dalal shisheeye magan-gelyo iyo dib u dejin uga helno.

Tolow xillimaanu isku tashan doonnaa oo taysaha iyo dhaqaalaha Eebbe ina siiyay calfan doonnaa? Jawaabtu waa dhankaaga.

WQ: Abwaan Hareeri