Tan iyo intii Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisadu ay soo saareen go’aannadii adkaa ee ku saabsanaa cuna-qabateynta khawaarijta, ayaa waxaa dhaqaalo xumi aad u weyn soo food saartay khawaarijta argagixisada ah, taasoo durba saameysay awooddii ay markii hore ku lahaayeen goobihii ay ka joogeen gobollada dalka, iyagoo si weyn loo wiiqay awoodahoodi dhanka milateri iyo maaliyadeed, waxayna hadda marayaan heer gabo-gabo ah.
Khawaarijta ayaa hadda waxay awoodooda kusoo ururtay gobollo fara ku tiris ah, waxaana laga fara maroojiyey inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka, sida gobollada ay ka koobanyihiin maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug oo guud ahaanba laga saaray marka laga reebo tuulooyin fara kutiris ah, iyagoo hadda lagu baacsanayo baadiyaha iyo keymaha ay ku dhuumaalaysanayaan, waxaana la dhihi karaa argagixisadu gobolladaas ama maamul goboleedyadaas waa loogu guulaystay waxaana hadda ku jiraan gabagabo iyo sifeyn.
Markii laga yimaado labadaas maamul-goboleed ee aan soo sheegnay, waxaa kaloo argagixisadu jab wey loogo geystay gobolka Shabeellada hoose ee maamul-goboleedka koonfur-galbeed oo laga saaray goobo badan oo ka mid ah, iyadoo inta dhiman ee gobolladaas ay kaga suganyihiina mardhow laga sifeyndoono sida horey ugu dhawaaqday dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha JFS mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horey ugu dhawaaqay in wajiga labaad ee dagaal lagula jiro argagixisada ka bilaaban doono maamul-goboleedka Koonfu-galbeed Soomaaliya, taasi oo hadda diyaargarowgeeda lagu jiro, iyadoo meelaha qaar ee kamid ah gobollada Bay iyo Bakool ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta argagixisada ah ee dhiigya-cabka ah, sidoo kale waxay howlgallada ay kasocdaan maamul-goboleedka Jubbaland oo asigana ku jira dadaaladii ugu dambeysay ee baacsiga khawaarijta.
Khawaarijta ayaa jab iyo halaag kasoo gaaray dhammaan dagaalladii ay lagaleen ciidamada xoogga iyo dadka shacabka ah ee hubkooda qaatay kadib markii ay u adkeysan waayeen dulmiga iyo hagardaamada ee in muddo ahba ku hayeen argagixisada arxan laawayaasha ah iyagoo si buuxda uga soo horjeestay go’aan mid ahna ku qaatay in guud ahaanba iska cirib tiraan mujrimiinta caadaystay dilka iyo boobka hantidooda, iyagoo markoodi horeba kula joogin rabitaankooda balse ay ku heysteen juujuub iyo caga jugleyn iyo iyagoo dadka qaar ku qalday inay wadaan diin iyo cadaalad taasi oo ah mid xaqiiqda ka fog.
Khawaarijta ayaa hadda maraysa maalmahooda ugu adkaa uguna dambeysay, kadib kolkii uu ku furmay dagaal dhowr jaho ah oo aysan waligood ku fakirin in uu soo mari doono mid lamid ah midkan oo kale, waxaana dagaal kaga socdaa dhammaan jihooyinkii ay awoodda ka heli jireen, sida Dhaqaalaha oo ka soo wajahay jab weyn oo aysan filayn kana soo kaban doonin, waxaana laga xanibay dhammaan akoonadii lacagaha looga soo diri jiray. Dowadda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in dhammaan ilihii iyo akoonadii ay khawaarijtu dhaqaalaha usoo mari jiray laga wada xiray sidoo kale sim-kaaro lacag looga tuuri jirayna la xiray.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale la duldhigay amarro ah in khawaarijtu aan lasiin karin wax dhaqaale ah ciddii siisana ay talaabo adag laga qaadi doono, amaradaas oo iyagana miro-dhal noqday, shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale looga digay inay wax macaamil ah haba yaraatee ay la yeeshaan khawaarijta gabalkooda dhacay, iyagoo shacabka soomaaliyeed ay dowladdu la wadaagtay nambaro gaar ah oo ciddii xog khawaarij hesho ama weydiisata lacag ay soo wacaan si looga howlgalo gacantana looga soo dhigo argagixisada khawaarijta ee shacabka baadda.
Waxaa kale Khawaarijtu dagaal loogu furay dhanka fakirka, iyadoo wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diintana dowrkeeda la dagaalanka khawaarijta ay qaadatay, waxaana wasaaradda isugu yeertay casuumaadna u fidisay culimaa’udiinka Soomaaliyeed, waxaana shir ballaaran oo culimada iyo waxgaradka soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisaba lagu qabtay magaalada Muqadisho, iyadoo shir maalmo socday laga soo saaray war-murtiyeed lagu cadeeyey in argagixisadan magac diimeedka markii hore dad badan ku qalday ay yihiin Khawaarij ladagaalankooduna uu yahay waajib waxaana laysla qaatay in layka dhciyo oo aan loo kala harin si dalka iyo dadka looga badbaadiyo, waxayna culimadu cadeeyeen oo ay isku raaceen in khawaarijtu aysan laheyn daawo aan aheyn in lalaayo, isla markaana loo midoobo dagalkooda iyagoo sheegay in qofkii ay dilaan khawaarijtu ahl-janno yahay dilkoodana ajir laga helayo.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa wixii ka dambeeyey dagaalka dhowrka jaho ah ee khawaarijta lagu qaaday isla markaana ay u cadaatay sida muhiimka ay u tahay la dagaalanka khawaarijta, waxay ku sii dhiiradeen dagaalka loogu soo horjeedo argagixisada waxayna bilaabeen in balad iyo baadiyo meeshii ku arkaan ay baacsadaan khawaarijta iyagoo u arka fursad aan mar kasta la heli karin oo ay tahay inay ka faa’ideystaan, waxaana lawada aaday meelihii lagu sheego khawaarij inuu ku dhuumanayo.
Amarrada isdabajoogga ah ee kasoo baxayo dowladda ayaa waxay sababtay in ganacsatadii markii hore lacagaha siin jirtay ay u diidaan lacagahooda iyagoo go’aansaday in khawaarij dambe lacag iska siin, taa badelkeedana ay iska dhiciyaan tasoo sababtay in khawaarijtu ay si sahlan oo dhaqsi ah u jabto waxaana la waayey meel dagaal lagula galay oo ay jab mooyee guul ka gaaraan waxaana meel walba waran meydadkooda iyagoo mararka qaarkood si naf la caari ah isasoo biimeeya kadibna meeshii lagu gumaado, waxaana hadda awoodooda kusoo uruurtay in ay xoolaha baadiyaha ku gowracaan iyo in meel ay ogyihiin inaysan guul ka gaareyn isku haligaan.
Mar haddii Ilihii dhaqaale ee ay lacagaha ka heli jireen laga soo kansalay, shacabkiina ay fahmeen tabarta khawaarijta iyo waajibnimada in lala jihaado khawaarijta, culimadiina iyadoo wada jira ay cadeeyeen mowqifkooda diiniga ah, dadka Soomaaliyeedna si wadajir ah u buraarugeen dhibka khawaarijtu ku heysayna usii dulqaadan waayeen waxaa qof walbo Soomaali ah la gudboon inuu qeyb ka noqdo dagaalka lagula jiro argagixisada khawaarijta ah.
Iskusoo wada duubo, mar haddii dowlad soomaaliyeed oo awood u leh inay cagta mariso khawaarij, shacab u hiilan in dowladiisa ku garabsiiyo dagaalkaas diiniga ah, culimadii Soomaaliyeed oo mowqifkoodii cadeeyey shacbkuna u sheegay, khawaarijtii oo tabar beeshay dhan walbana ka jabtay, lagama yaabo inay argagixiso dambe kusii noolaato geyyiga soomaaliya, waxaana Alle ka baryeyaa inuu soo gabo-gaboobo gabood falkii ay ummadda ku hayeen gabalkooduna dhaqsi u dhaco, soomaaliya guul.
DALKA EDITORIAL