WADA JIRKA IYO IS WALAASHIGAA WANAAG BADAN LAGA HELAA

Si kasta oo ay buulshadu uga dhisan tahay dhinacyda waxbarashada isla markaana ay leedahay hammi ay ku tiigsato dadyowga kale hadana marna ma muuqaneyso horumar baaxad leh oo sida dadka kale ay nolosha ka gaari karto.

Nolosha waa isku duubni iyo wadajir mana jirto ummad kala firirsan oo hadana horumartay taasna waa wax hubaal ahaan aan dhicin oo weli dumida soo marin.

Maxay yihiin waxyaabaha bulshada Soomaalida ka hor taagan in ay is raacaan?

Soomaalida sideedaba waa dad aan ka harin oo weli daba taagan qabyaalad iyo in ay dhexdeeda ka shaqeyso is khilaaf iyo wax sii kala fogeynaya .

Sidoo kalena waxay soomaalida dhaafi la’ dahay nin jecleysi iyo eex dhexdeeda ah taas oo abuurtay in kooxba kooxda kale diido oo ka horjeesato xitaa haddii kuwa ay ka horjeeddo ay wanaag ka shaqeynayaan.

Waxaa soomaalida dib u dhigay is huruufid beel beel ku dhisan iyo is weyneyn kooxba tan kale iska weyneyso.

Siyaasadda soomaalida lafteeda waxaa ku jira mucaarnimo iyo iska horjeed aan inta badan ku taagneyn ujeeddo iyo mabda’ siyaasadeed balse u badan iska daba wareeg iyo hadalo iska tuur tuur ah.

Arrimahan oo dhan waxaa isku fuuqsanaya hannaanka wax qeybsiga ee loo yaqaano 4.5 oo isna noqday furaha caqabadda soomaalidu isu raaci la’dahay kaas oo saameeeyey meel kasta oo nolosha soomaalida ah.

Caqabadan Soomaalidu ma hayaan meel ay uga gudbaan waxayna noqotay mid ay ku warwareegaan iyagoo arkaya in ay kal jebeineyso Soomaalida.

Colaadaha sii daba dheeraaday laftooda waxba ulama harin Soomaalida oo waa kuwa keenay in weli Soomaalidu kala irdhoownaato oo is aaminkoodu adkaado waxayna colaaduhu dalka sii galinayaan haadaan aanu ka soo laaban Karin.

Inkastoo dalku muddooyinkii dambe ay jireen rajooyin dadka hammi galin karay dadka oo ay soo if baxday awooddii dowladnimo hadana weli waxaa jira kuwo aaney u muuqan oo ku fekeraya in dhibaatada iyo kala jabka Soomaalida uu sii socdo.

Marka laga reebo cadowyada dibedda hadana waxaa Soomaalida cadowgaas u soo wehliya mid gudaha ah iyo dad aan ku fekereyn in wadajirka uu yahay wanaag balse ka doorbidaya danahooda gaarka in ay fushadaan halkii danta qaranku ku jirtay ka weecanaya .

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida waxay u baahan tahay midnimo iyo wadajir ee uma baahna xilligan kala tag  iyo is colleysi hor leh waana arrin u baahan in si dhab ah looga fekero dalkana laga qabto kuwa heysta fikradaha gurracan ee lagu kala geynayo wadajirka Soomaalida xilli ay baahi weyn u qabto Soomaalidu in ay is raacdo oo danaheeda si wadajir ah uga shaqeyso.

WQ: Mohamed Hassan