Daacuunka waa Cudur halis ah, oo si fudud ugu fida meelaha ay ku jiraan xaaladaha nadaafad darro iyo faayo dhowr la’aanta, isla markaana biyaha la cabbo ay wasakh yihiin.
Daacuunka waxaa keena Bakteeriyada Febriyo Koleera, marka ay saameyn ku yeelato Mindhicirka caloosha qofka.
Inta badan Daacuunku waa cudur soo raaca biyaha wasakheysan, bakteeriyada Daacuunka waxaa laga helaa saxaro ku dhacday biyo aan la daaweyn, qof kasta oo caba biyaha wasakheysan, waxay u badan yihiin inuu qaado cudurka daacuun caloolaha.
Duqsiga guryaha, waxa uu fidiyaa daacuunka marka uu ku fariisto saxarada kaddibna uu dul fuulo cuntada uu qofka cunayo.
Sidaa darteed, duqsiga, wuxuu bakteeriyada daacuunka ka soo qaadaa saxarada una gudbiyaa cuntada qofka cunayo. Astaamaha Cudurka Daacuunka waa – Shuban biyood u eg Biyaha Bariiska. – Matag – Addimaha oo soo kaga.
– Fuuq bax keena maqaarka oo qallala. Haddii aan deg deg loo daweyn bukaanka fuuq baxaya wuxuu ku keeni karaa geeri saacado gudohood. Habka iyo sida loo daweyn karo Cuduka Daacuunka:-
- in bukaanka la karatiilo.
- In saxarada iyo mataga daawo lagu shubo in aan la qubin ka hor.
- In lagu jiifiyo sariir meesha daba ku beegan ka duleesho lana hoos dhigo baaldi ama sakeel.
- In si fiican loo nadiifiyo mar kasta oo la daweeyo Bukaanka.
- In Bukaanka la siiyo biyaha ORS-ta oo la yiraahdo milanka fuux celinta ee afka laga qaato.
Sida loo diyaariyo biya ORS-ta waa in biyaha lagu daro cusbo iyo sonkor, dabadeedna la isku kar kariyo marka uu qaboobana la siiyo.
Ilmaha Yar, waxaa la siinayaa malqacad muggeed daqiiqad kasta qof weynina 3 malqacadood.
Dhinaca kalana, waxaa la siinayaa antibiyood, si uu bakteeriyada cudurka keentay meesha looga saaro.
WD: Mursal